28/03/2026
MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO HAMBALYO UDIRAY MADAXWAYNAHA DIB LOO DOORTEY EE KOONFUR GALBEED
Dhahar: Maarso 28, 2026: Madaxweynaha Dowladda Mareero, Mudane Jeylaani Mohamed Ahmed, ayaa hambalyo iyo duco u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.
Madaxweyne Jeylaani ayaa ku bogaadiyey guusha doorashada, isaga oo xusay in hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed ay horyaallaan waajibaadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dardar-gelinta dib u heshiisiinta bulshada, dhammaystirka xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dowlad-goboleedyada, isaga oo tilmaamay in ay yihiin tiir-dhexaad u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta nidaamka Federaalka ee dalka. Wuxuu ku baaqay in dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah ay si degdeg ah u qabtaan doorashooyinka laga sugayo.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa Alle uga baryey Madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Galbeed in uu ku guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday, gaar ahaan sugidda amniga, adkeynta midnimada, iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA MAREERO