05/05/2023
CAMBAARAYN ISKU-DAYGA WAX KA BEDELKA DASTUURKA PUNTLAND.
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland “PYPA” wuxuu cambaareenayaa damac walba oo xukuumadda wakhtigeedu gabaabsiga yahay ku doonayso wax kabadal ay ku samayso dastuurka dowladda Puntland.
Maadaama Madaxweynaha Dowladda Puntland uu diiday soo jeedintii 13 ka qodob ee ururadu soojeediyeen 29 Nov 2022 asagoo wakhtigaas sabab uga dhigay in wakhti dastuur lafuro uusan harsanayn caqabado badana lagala kulmi karo, Urur Siyaadadeedka Dhalinyaradu waxaa ay uga digayaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland furitaanka dastuurka ayadoo maslaxado shaqsiyadeed iyo muddo korarsi laga dhex raadinayo.
Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland ”PYPA” wuxuu uga digayaa xukuumadda ku foognaanta wax kabadalka dastuurka xili xilhayntoodu ka dhimantahay muddo 6 bilood ah, khatar walba oo ka dhalata ayagu qaadayaan.
Sidoo kale Urur Siyaasadeedka Dhallinyaradda wuxuu Baarlamaanka Puntland ugu baaqayaa inaysan ansixin soo jeedinta xukuumadda dalkana ka badbaadiyaan fowdo iyo jaha-wareer siyaasadeed.
Ururka siyaasadeedka dhalinyarada Puntland waxuu ku baaqayaa in shir deg deg ah iskugu yimaadaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida Isimada dhaqanka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanka, wax-garadka, culumada, dhalinyarada & haweenka si Puntland looga samata bixiyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta jirta.
Ugu danbayn, Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland “PYPA” waxuu marlabaad ku baaqayaa in aan lagu degdegin furitaanka dastuurka dowladda Puntland dalkana aan loo horseedin fowdo iyo qalalaaso siyaasadeed iyo dhibaato aanay kasoo kaban Karin dadka iyo dowladnimadda Puntland.
“”Dastuurku waa hishiis bulsho, balse maahan shaar u shaqsi dan leh tosho””.
**DHAMAAD**