29/06/2023
Arday barata cilmiga qanuunka ayaa waxaa xiisada u soogalay proffesor dhanka sharciga ah.
Markii uu galaaska soogalayba waxa uu waydiiyey gabadh kamid ahayd aradyda magaceeda markaas ayey u aheegtay, balse waxa uu isalmarkiiba ku yidhi galaaska iiga bax, waxay ugu jawaabtay mafahmin,balse waxa uu hadal ku soo gaabiyey mar dambe yaan kugu arag xiisad aan dhigayo.
Ka dib waxa uu bilaabay inuu ardayda waydiiyo inay sharaxaan macanaha ereyga ( )ama qaynuun.
Sharaxaada kaladuwan kadib midka ka mid ah ardayda ayaa ku qeexay qaynuunku waa cadaalad( justice).
Intaas ka dib ayuu proffesorka waxa uu yidhi hada ardaydayadii aan galaaska kasaaray ma u cadaalad sameeyey,waxayna dheheen maya, markaas ayuu yidhi maxaad dulmiga iiga qaban waydeen?, maadaama aad tihiin dadkii loo carbinayey inaad caddaalada sameysaan.
Markaas ayuu proffesor ku ku dhaliilay ardayda in waxii ay soo barteen aysan ahayn wax ay fahmeen.
Sheekadaan waxaay igu soo jiidatay xikmada ku jirta ee ah in ay soomaalida dhexdeeda adagtahay in waxa ay baranayaan aanayba fahan wacan haysan,si lamid ah in khaladka layska qabtaa way adagtahay balse taaa bedelkeeda dadku waxa ayba u sacabiyaan cidda markaas khalad kusocota.