26/05/2016
Puntland dhaqan soo jireen ah ayay lahayd kaas oo ku salaysan ixtiraam iyo qadarin qoto dheer oo loo hayo Issimada dhaqameedka Ummada.
Markii isim dhinto waxaa dhaqanku ayaa in iyadoo la tixgelinayo xeerarkii soo jireenka ahaa sida in issimka dhintay curadkiisu dhaxlo
Sida in qoyska hoose ay tashandaan iyagoo midaysana ay beelweynta inteeda kale u soo bandhigaan go’aankooda, hadii wax khilafaad hoose jiraana ay si hoose oo aan dhaawacin sumcada iyo mansabka martabada isimka si hoose qoysku u soo dhameeyaan. Howshaa hoose markay soo dhamaatana beelaha kale ee tolka ah ayaa loo soo bandhigi jiray saas ayaana caano shub iyo caleemo saar ku dhici jiray.
Nasiib daro, maanta waxaynu aragnaa isinimo la dhacayo, madaxweynayaal dhaqaale ku bixinaya abuuris fidmo, kala dil dad walaalo ah, dhiiri gelin dhinac mar iyo jebin xeerarkii soo jireenka ahaa.
Taasaana keentay in Caanashubka la leeyahay Qardho ayaa boqor loogu sameeyay ay wada qaadaceen dhamaan issimadii Majeerteen oo ka horyimid jajuubka iyo fowdada cusub ee uu maamulkani horseedka ka yahay.
Dhibaatada Maamulkaani ku hayo Issimada iyo Bulshada Puntland:
Tan iyo intii Maamulkaani yimid waxuu la soo baxay dhaqamo cusub oo laga yaxyaxo sida:
· Issimadii in mucaarad iyo mu’ayid loo kala saaray
· Issimo badan in madaxda maamulkaan ugu saraysa ay ihaanaysay
· In meel looga dhacay oo lagu tuntay martabadii iyo maaqaankii ay issimadu lahaayeen sida ku cad Axdiga Puntland ee ah inay yihiin martabada ugu saraysa iyo marjaca ummada
· In midnimadii iyo wadajirkii walaalaha wada unkaday reer Puntland manta halis ku jirto, mid tagay oo tashaday iyo mid sii sicda iyo mid ceeb iyo caro la aamusana ay kala noqdeen
· In shirar ku sheeg wax hadafkoodu tahay iyo wax ka soo baxaya aysan jirin ummada lagu maaweeliyo sida Shirka duubabka Soomaaliyeed! Maxaa shir duubab soomaaliyeed la qabtaa iyadoo issimadii reer Puntland aysan midaysnayn, wadajirkoodii iyo wada shaqayntoodiina la siyaasadeeyay
Talooyin:
· Waxaan issimada reer Puntland ugu baaqayaa inaysan ka aamusin dhibka iyo hadimada Puntland ka socota taas oo khatar ku ah jiritaanka iyo midnimada ummada , sidaa awgeed waa inay iyagoo gudanaya waajibkooda dastuuriga ah u istaagaan badbaadada Puntland
· Waxaan shacabka, aqoonyahanka , qurbajoogta iyo ururadda bulshada ugu yeeraynay inay gutaan doorka uga aadan badbaada Puntland, kana shaqeeyaan sidii loo ilaalinlahaa nabada, wadajirka iyo walaalnimada dadka iyo deegaamada ku bahoobay Puntland, qaybna ka noqdaan wax kasta oo lagu samato bixinayo Puntland.
· Masuuliyiinta dowlada maanta hogaanka u haysna waxaan leenahay faraha kala baxa arimaha dhaqanka kana waantowdaan dhaqanka qof jeclaysiga iyo arimaha dhaqanka ee aad siyaasadaynaysaan, joojiyana ihaanada iyo bahdilka aad ku haysaan Issimada uumada hogaanka u ah.
· Dowladaan waxaa loo irkaday inay u adeegto ummada, difaacdo xuduudaheeda, talada dalkana dadka wax ka siiso, nasiib daro, manta dhaqaalle xumada iyo cabashooyinka danyarta waa wax aan indhaha laga qansan Karin, dhulka maqan iyo ihaanada lagu hayo dad iyo deegaano ka mid ah Puntland waa wax laga xumaado, cadaalada darada , eexda, hantida dhunsashada, abuurka dagaalo aan loo baahnayn iyo hanjabaado aan la fulin Karin, intuna waa wax khatar ku ah jiritaanka wadajirta iyo masiirka Puntland, sidaa awgeed waxaan masuuliyiinta talada dalka haysa leenahay isdaba qanta oo isa saxa, inta goori goor tahay, ogaadana talada dalka iyo masiirka ummada waa la idinla wadagaa, maaha mid keligiin sidaad rabtaan aad ugu tagri fali kartaan.
Wabillaahi towfiiq!