29/05/2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland Eng maxamed Cali ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Laaso Dawaco ee gobolka Bari, halkaas oo uu ugu kuurgalay xaaladda deegaanka iyo baahiyaha jira.
Wafdiga Wasiirka waxaa si diirran usoo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Carmo, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda iyo shacabka.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dadaallada isxilqaanka ah ee bulshada deegaanka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan horumarka ay wadaan. Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday in dowladda Puntland ay kaalin muuqata ka qaadan doonto taageerada iyo horumarinta deegaanka.
▪︎▪︎▪︎ DHAMMAAD ▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GAADIIDKA BADDA IYO DEKEDAHA PUNTLAND