Berbera Oil Terminal

Berbera Oil Terminal Berbera Oil Terminal is a world-class onshore oil storage facility

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐–๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐šMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C...
01/04/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐–๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ganacsatada waaweyn ee dalka, isaga oo kala hadlay xaaladaha dhaqaale ee haatan taagan iyo saamaynta culus ee uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay nolosha bulshada, gaar ahaan korodhka qiimaha Shidaalka, Maciishadaha daruuriga ah iyo suuqyada sarrifka Shillinka Somaliland.

Kulanka Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirrada Ganacsiga iyo Dalxiiska, Madaxtooyada, Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Warshadaha, Guddoomiyaha iyo G/ku-xigeenka Baanka Somaliland, Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn Ganacsatada uga mahad naqay kulanka, isaga oo xusay in ujeeddada kulanku ay tahay is-xogwaraysi iyo wada-tashi u dhexeeya Xukuumadda iyo Ganacsatada dalka kaasi oo lagaga arrinsanayo Xaaladaha dhaqaale ee soo kordhay isla markaana loo baahan yahay in laga soo saaro talo Qaran oo loo dhan yahay.

Madaxweynuhu waxa uu si faahfaahsan u dul istaagay culayska uu sicir-bararku ku hayo bulshada, isaga oo xusay in isbeddellada ka imanaya suuqyada Caalamiga ahi ay si toos ah u saameeyeen dhaqaalaha Somaliland. Waxa uu Ganacsatada ugu baaqay in ay muujiyaan masuuliyad Qaran, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xasillinta suuqyada iyo ilaalinta awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta JSL.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u bogaadiyey doorka ay Ganacsatada reer Somaliland ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyey in ay sii laban-laabaan dedaalkooda, isla markaana ay mudnaan gaar ah siiyaan is-kaalmaysiga bulshada gaar ahaan xilligan adag iyo in si wadajir ah loo guto masโ€™uuliyad-wadaredka saaran Xukuumadda iyo Ganacsatada dalka.

Dhankooda, Ganacsatada Waaweyn ee Dalka ayaa si furan uga hadlay caqabadaha ay la kulmaan, iyaga oo tilmaamay in korodhka qiimaha shidaalka, kharashaadka gaadiidka, Caymiska soo dhoofinta, iyo isbeddellada ku yimaadda suuqyada Bariga Dhexe ay si weyn u saameeyeen ganacsigooda. Waxa ay tilmaameen in culaysyadaasi ay si toos ah u kordhiyeen qiimaha badeecooyinka, balse ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Xukuumadda si loo helo xal loo dhan yahay, si loo ilaaliyo danta guud ee dalka iyo dadka.

Ganacsatada JSL waxa ay Madaxweynaha u caddeeyeen in aanay jirin cabsi laga qabo xagga Shidaalka iyo Raashinka, iyaga oo sheegay in ay mudnaan gaar ah siinayaan sidii loo sii kordhin lahaa Kaydka Raashinka iyo Shidaalka.

Sidoo kale, Ganacsatadu waxa ay soo jeediyeen in la xoojiyo wada-shaqaynta u dhexaysa Xukuumadda iyo Ganacsatada, in la dejiyo siyaasad cad oo lagu xakameeyo sicir-bararka, iyo in la sahmiyo suuqyo ganacsi oo cusub si loo yareeyo ku tiirsanaanta hal suuqyada Bariga Dhexe oo keliya.

Wasiirrada Ganacsiga iyo Maaliyadda oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa iftiimiyey xal-u-helidda xaaladaha hadda taagan taasi oo ka dhalatay saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha iyo in la dejiyo siyaasad cad iyo qorshe Qaran oo lagaga gaashaaman karo xaaladaha noocan oo kale ah.

Kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad guud oo ku saabsan in Xukuumadda iyo Ganacsatada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan yareynta saamaynta sicir-bararka, ilaalinta xasilloonida suuqyada, waxana laga soo saaray qodobbada soo socda:

๐Ÿ. In Xukuumadda iyo Ganacsatadu ay yeeshaan wada shaqayn joogto ah oo lagaga arrinsanayo Xaaladaha dhaqaale ee soo kordha.

๐Ÿ. In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban Xukuumadda iyo Ganacsatada.

๐Ÿ‘. In la kobciyo wax-soo-saarka gudaha iyo Warshadaha.

๐Ÿ’. In la sameeyo Kayd Qaran oo la isku hallayn karo oo ah Raashin iyo Shidaal.

๐Ÿ“. In Qorshe Qaran laga yeesho xasilinta Sarrifka Shillinka Somaliland.

๐Ÿ”. In la sahmiyo marrino kale oo ay innoo soo maraan badeecaduhu oo aan la isku hallayn uun suuqyada Bariga Dhexe.

๐Ÿ•. Marka ay dhacaan xaaladahan oo kale, waa in dib-u-eegis lagu sameeyo nidaamka Cashuuraha Dalka, si la isula eego sidii loo kabi lahaa Ganacsatada.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

TacsiInnaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.Maamulka iyo Shaqaalaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka, oo ay ugu horree...
24/03/2026

Tacsi
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Maamulka iyo Shaqaalaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka, oo ay ugu horreeyaan Maareeye Maxamed Sidiiq Cabdillaahi(Dhame) iyo Maareeye Kx Mustafe Siciid Suri, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Caydaruus ismaaciil Maxamuud , oo hooyadiis Aamina C/laahi Cismaan
ku geeriyootay magalada Hargeysa.
Waxaan Eebbe Subxaanahu wa Tacaalaa uga baryeynaa inuu marxuumada u dambi dhaafo, kana waraabiyo naxariistiisa jano, qabrigeedana ka dhigo beer ka mid ah beeraha jannada. Samir iyo iimaan Eebbe ha ka siiyo qoyskii , eheladii ay ka baxday.

Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka Maxamed Sidiiq Cabdillahi ( Dhamme ) isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo ka d...
19/03/2026

Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka Maxamed Sidiiq Cabdillahi ( Dhamme ) isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo ka dhammaan Shaqaalaha Hayโ€™adda qoyasakooda & carruurtooda, waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin ku aaddan munaasibadda barakaysan ee Ciidal Fidriga u dirayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay joogaan.

Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka Maxamed Sidiiq Cabdillaahi ( Dhamme )  & Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Dal...
01/03/2026

Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka Maxamed Sidiiq Cabdillaahi ( Dhamme ) & Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa maanta shir muhiim ah ka yeeshay Ganacsatada Shidaalka soo dejisa, Shirka oo ujeedkiisu ahaa xogogaal u noqoshada Xaaladda Dagaalka Bariga dhexe saamanta uu ku yeelan karo Iibka Shidaalka & Maceeshada Daruuriga, waxa aanu isla qaadannay Ganacsatada Shidaalka soo dejisa tallabo kasta oo lagu ilaalinaayo xasiloonida Suuqa & Nolosha Bulshada in laga wada shaqeeyo.

30/01/2026

Xafladda Abaal-marinta Shaqaalaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Somaliland

30/01/2026
Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka Mohamed Sidik Abdilahi (Dhame) iyo Maareeye Ku-xigeenka Mustafe Siciid Suri ...
30/01/2026

Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka Mohamed Sidik Abdilahi (Dhame) iyo Maareeye Ku-xigeenka Mustafe Siciid Suri ayaa xalay si sharaf leh u maamuusay shaqaalaha Kaydka Haamaha Shiidalka Qaranka.
Waxaa si heer sare ah u qabsoontay xafladda abaal-marinta shaqaalaha, taas oo lagu muujiyey qadarin, dhiirrigelin iyo mahadnaq ku aaddan dedaalka, daacadnimada iyo shaqada ay u hayaan qaranka
Hayโ€™addu waxa mar walba ka goan dhiirrigelinta iyo qiimeynta shaqaalaheeda.

Hambalyo dhammaan shaqaalaha.

Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka Maxamed Sidiiq Cabdillaahi ( Dhamme) waxa uu hambalyo u dirayaa munaasibadda...
31/12/2025

Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka Maxamed Sidiiq Cabdillaahi ( Dhamme) waxa uu hambalyo u dirayaa munaasibadda curashada sannadka cusub ee 2026 awgii dhammaan Shaqaale weynaha Berbera Oil Terminal, waxa uu ugu ducaynayaa in Alle Sannadka danbe innagu gaadhsiiyo Nabad & Badhaadhe.

28/12/2025

Damaashadka Dabbaaldegga Ictiraafka Somaliland.

24/11/2025

Maareeye ku xigeenka Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka JSL, Mudane Mustafe Sead Suri, ayaa ka qayb galay munaasabadda bandhigga buugga โ€œMiisaanka Cadaaladdaโ€ oo uu qoray Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka ee WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Intii ay munaasabadu socotay, Maareeyuhu waxa uu ku dhawaaqay in Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranku ay qaateen tiradii ugu badneyd oo ah 500 buugg, taas oo qayb ka ah taageerada ay u muujinayaan qoraaga iyo dhiirigelinta hal-abuurka aqooneed ee dalka.

08/11/2025

Maareeye Ku-xigeenka Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka, Mudane Mustafe Siciid Suuri, ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay kulanka Agaasime-waaxeedyada BOT.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee socda, fulinta qorshayaasha ilaalinta deegaanka iyo badqabka hay'adda.
Maareeye ku-xigeenku wuxuu ku boorriyey madaxda waaxyaha in ay xoojiyaan wadashaqeynta iyo hirgelinta qorshayaasha muhiimka ah ee BOT, si loo xaqiijiyo adeeg hufan iyo nidaam shaqo oo waxtar leh.

Address

Berbera, Sha'ab Area
Berberah
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Berbera Oil Terminal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Berbera Oil Terminal:

Share