Berbera Public Library

Berbera Public Library Berbera Public Library, a dream place to read . Never miss it all opportunities there like phenomenon sessions, art works and craft.

As well other talents from the readers.

Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxay Rugta Kutubta Berbera hambalyo iyo bogaadin u dirays...
01/05/2026

Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxay Rugta Kutubta Berbera hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan Akhristayaasha, Shaqaalaha iyo adeegayaasha bulsho meel kasta oo ay joogaan.

Maalintani waa maalin qiimo gaar ah u leh shaqaalaha dunida oo dhan, waana fursad lagu xuso kaalinta lama illaawaanka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka bulshooyinka, kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha dowladnimo adag oo ku dhisan caddaalad iyo wadajir.

Hambalyo dhammaan Shaqaalaha u heelan adeegista bulshada

📚 Bandhigga Buugga: Aqoonsiga Somaliland Bandhigga Buugga “Aqoonsiga Somaliland” ee uu qoray Xasan Cismaan Ismaaciil, ay...
26/04/2026

📚 Bandhigga Buugga: Aqoonsiga Somaliland

Bandhigga Buugga “Aqoonsiga Somaliland” ee uu qoray Xasan Cismaan Ismaaciil, ayaa lagu soo bandhigi doonnaa Rugta Kutubta Berbera habeenimada Salaasada ee Arbacadu soo geleyso 7:00 fiidmino.

Buuggan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa shuruudaha, sharciyadda caalamiga ah iyo siyaasadda aqoonsiga, isagoo iftiiminaya mowduuc muhiim u ah mustaqbalka Somaliland.

🗓 Taariikh: 28/04/2026
⏰ Waqti: 07:30 PM
📍 Goobta: Rugta Kutubta Berbera

Qoraa Nuura Axmed Faarax, oo ah qoraaga buugga "Cawayska Carruurta" iyo carruurteeda, ayaa shalay oo Khamiis ah nagu soo...
10/04/2026

Qoraa Nuura Axmed Faarax, oo ah qoraaga buugga "Cawayska Carruurta" iyo carruurteeda, ayaa shalay oo Khamiis ah nagu soo booqatay Rugta Kutubta; waxayna si qurux badan oo firfircoon uga qayb qaadatay barnaamijka carruurta ee Ababiye, kaas oo si toddobaadla ah uga qabsooma rugta.

Qoraaga iyo carruurta ayaa si qurux badan isu bartay, waxayna uga sheekaysay sheekooyinka ugu cuddoon ee ku xardhan buugga "Cawayska Carruurta".

Maamulka Rugta Kutubta ayaa si weyn ugu mahadnaqay qoraaga buugga, waxana uu ku bogaadiyay dedaalka badan ee ay gelisay inay dhigane carruurta u gaar ah kusoo kordhisay maktabadda dadka af-Soomaaliga ku hadla qeybteeda caruurta, taas oo baylah badani ka jirtay!

" تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال"
19/03/2026

" تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال"

Xildhibaan Aadan Sahal Ducaale ayaa deeq buuggaag ah oo ka kooban 150 buug Soo gaadhsiiyay Rugta Kutubta Akhriska iyo Be...
07/03/2026

Xildhibaan Aadan Sahal Ducaale ayaa deeq buuggaag ah oo ka kooban 150 buug Soo gaadhsiiyay Rugta Kutubta Akhriska iyo Berbera.

Xildhibaanka ayaa buuggaagtan si rasmi ah noogu wareejiyay, isaga oo ugu talagalay in ay ka faa’iidaystaan dadka jecel akhriska iyo qoraalka.

Maamulka Rugta Kutubta Berbera, wuxu shahaado dhiirri galin ah siiyay, shaqaalaha ugu wanaagsanaa Rugta sannadka 2025 Ja...
07/02/2026

Maamulka Rugta Kutubta Berbera, wuxu shahaado dhiirri galin ah siiyay, shaqaalaha ugu wanaagsanaa Rugta sannadka 2025
Jaamac Maxamuud Abokor oo noqday shaqaalaha galinka h**e shaqsigii ku guulaystay
Xamda Maxamuud Muuse shaqaalaha galinka danbe shaqsigii ku guulaystay.

Barnaamij ka caawa inoo qabsoomi doona.
04/02/2026

Barnaamij ka caawa inoo qabsoomi doona.

Kulanka barxadda Rugta kutubta Berbera oo galabta lagu gorfeeyay buugga caanka ah ee 21 xeer ee hogaaminta oo uu soo jee...
25/12/2025

Kulanka barxadda Rugta kutubta Berbera oo galabta lagu gorfeeyay buugga caanka ah ee 21 xeer ee hogaaminta oo uu soo jeediyey aqoonyahan sare Cabdikariin Maxamuud cawil Kariimi.

Aqoonyahanku waxa uu tibaaxay sifooyinka ay tahay in uu yeesho qofka hogaamiyaha ahi.

Galabta, waxa barxadda h**e ee Rugta Kutubta iyo Akhriska Berbera innooga dhici doonta gorfayn iyo falanqayn buugga “The...
25/12/2025

Galabta, waxa barxadda h**e ee Rugta Kutubta iyo Akhriska Berbera innooga dhici doonta gorfayn iyo falanqayn buugga “The 21 Irrefutable Laws of Leadership.

Ka faa'idaysi wanaagsan.

Barnaamijkii dunida akhriska ee uusoo jeediyay qoraa Cabdirisaaq Sandheere.
18/12/2025

Barnaamijkii dunida akhriska ee uusoo jeediyay qoraa Cabdirisaaq Sandheere.

Address

Sha'ab Area
Berbera
2018

Opening Hours

Monday 07:00 - 14:00
15:00 - 22:00
Tuesday 07:00 - 14:00
15:00 - 22:00
Wednesday 07:00 - 14:00
15:00 - 22:00
Thursday 07:00 - 14:00
15:00 - 22:00
Saturday 07:00 - 14:00
15:00 - 22:00
Sunday 07:00 - 14:00
15:00 - 22:00

Telephone

+252634446110

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Berbera Public Library posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Berbera Public Library:

Share

Category