03/05/2026
Xadhig ka jarka Ururka Shaqaalaha ee Xirfadlayaasha iyo Wadayaasha Gaadiidka Cagafyadda iyo Macdaarka waaweyn ee Magaalada Berbera.
Waxaanu shalay Xadhiga ka jarnay Ururka Xirfadlayaasha wadayaalna ka ah Cagafyadda iyo Macdaarka waaweyn oo ku bahoobay Ururka kana mid ah Urur waynaha Heer qaran ee Xidhiidhka Guud Ee Ururada Shaqaalaha Somaliland, sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha Rayidka xeer Lr 31-2020 Qodobkiisa 65'aad iyo qodobka 66'aad oo waajibinaya Furista Ururka shaqaale oo Dastuurku Jideeyey sidoo kalena cadeeyey sida ay shaqeynayaan.
Xadhig ka jarkan ayaa waxaa sameeyey Guddoomiye xigeenka gobolka Maxamuud Hindi Aadan oo uu wehelinayaan Isuduwayaasha Gobolka, Siyaasiyiin iyo Isuduwaha Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Gobolka Saaxil Rakad Mxd Sultan , Guddoomiyaha Ururka Cabdilaahi Aadan oo dhammaantood ka hadlay muhiimadda Ururkan ka shaqayn doona danta iyo xuquuqda shaqaalaha Xirfadlayaasha Cagafyadda iyo Gaadiidka waaweyn.
Shalay oo Wasaaraddu qabatay xuska Maalinta shaqaalaha Adduunka ayaa xuska ka dib xadhiga ka soo jartay Ururkan oo hoos iman doonna ahna shaqaale kor u dhaafaya 300 oo xirfada Cagafyadda iyo Macdaarka waawey leh.
Ururkan ayaa kor u qaadi doonna xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha sidoo kalena sameyn doona isku xidhka Wadayaasha Cagafyadda iyo gaadiidka waaweyn ee ka hawlgala gobolka Saaxil, Berbera.
Hambalyo Maamulka Ururka Midnimo iyo Xubnaha ku bahoobayba.
Xafiiska Berbera.