07/01/2021
Fariin ku socota Dhalinta Somaliland.
1. Gorma ayad garan karta , qofkaad tahay, Xikmada kugu duugan, iyo in aad awood u leedahay, inaad wax weyn ka badeli karto nolashaada, ta famligaga ta umadaada iyo ta degaanka ama dalka aad ku nooshay?
2. Ma ogtahay in aad awoodo inaad suuliso ama baabiso, wax kasta oo aad u arkayso in ay u xun yihiin , qof ahaan dad ahaan dal ahaan intaba kuwaas oo markastaba kuu muuqda?
Labadan sualood, iyo wixii la xidhiidhaba jawaabahoodu waxay noqonayaa (HAA)
lkn Suasha Daba taala waxay tahay, Sidee iyo habkee loo maraya ee loo samaynkara hawlahan madama ay yihiin kuwo qofku awood u leeyahay in uu fuliyo?
Jawaabta suasha u danbeysa, ee ah habkee loo fulin kara hawlahan, waxay noqonaysa halkan qodob oo kaliya.
( Hadii qofku Aqoonta iyo kartida Rabaaniga , ah ee Allah ku galaday, iyo ta madiga ah ee u bartay, sida wanaagsa u adeegsado, Waxa hubaal ah oo an shaki ku jirin, in uu awood buuxda u leeyahay fulinta iyo waxkabedelka dhamaanba qaybaha kala duwan ee aan soo xusnay.
lkn Ugu horayn Wa in uu qofku gartaa horta ka uu yahay, iyo resource ka ama ilaha muhiimka ah ee uu haysto taasiba muhiima marka h**e iyadana saamaxaysa , fulinta arrimahan.
Fariintani waxay ku socota da,yarta dalkeena, waxanan u soo jeedinaya in dhalintu ay dib isugu noqoto, sida ay manta yihiina wax badan ka bedelaan.
Waxa Qoray.
Musharax Ahmed Carab Muuse Bulaale