Saldhiga Boliiska Beledweyne

Saldhiga Boliiska Beledweyne Police Station Beledweyne Waa Page-ka Saldhiga Boliiska Dagmada Beledweyne

DEGMADA  : 12 JULAY 2026: TALIYAHA QEYBTA GUUD EE BOOLISKA HIIRAAN OO JAWIIL KU SAMEEYAY KORMEER AMNI ISLA MARKAANA GOOB...
12/07/2026

DEGMADA : 12 JULAY 2026: TALIYAHA QEYBTA GUUD EE BOOLISKA HIIRAAN OO JAWIIL KU SAMEEYAY KORMEER AMNI ISLA MARKAANA GOOB-JOOG KA NOQDAY XIL-WAREEJINTA TALIYAHA BOOLISKA DEGMADA.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Hiiraan, Ganaraal Isaaq Cali Cabdulle, oo uu wehliyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Beledweyne, Gashaanle Cabdullaahi maxamuud ayaa kormeer amni ku tagay Degmada Jawiil, halkaas oo ay sidoo kale ku qabsoontay munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Booliska degmada.

Xilka ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub ee Booliska Degmada Jawiil, Taliye Cabdi Xaaji Mursal, isagoo kala wareegay Taliyihii h**e ee degmada, Bashiir Caddaan, oo muddo soo hoggaaminayey saldhigga degmada.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay saraakiil ka socotay hay'adaha amniga ee kala duwan.

Taliyihii h**e ee Booliska Degmada Jawiil, Bashiir Caddaan, ayaa lagu ammaanay doorkii muuqday ee uu ka qaatay sugidda amniga degmada intii uu xilka hayey.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Hiiraan, Isaaq Cali Cabdulle, ayaa ku bogaadiyey Taliyihii h**e shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay, isagoo dhanka kale faray Taliyaha cusub, Taliye Cabdi Xaaji Mursal, inuu sii laba jibbaaro dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xaqiijinta nabadgelyada Degmada Jawiil.

AMAR KA SOO BAXAY TALISKA BOOLISKA MAGAALADA BELEDWEYNE​Ciidamada boliiska ee magaalada Beledweyne, iyagoo gudanaya waaj...
19/06/2026

AMAR KA SOO BAXAY TALISKA BOOLISKA MAGAALADA BELEDWEYNE

​Ciidamada boliiska ee magaalada Beledweyne, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta nafta, maalka, iyo xasiloonida shacabka waxay si rasmi ah u soo saareen go’aan lagu mamnuucay xirashada Indho-shareerka (Niqaabka) ee gudaha magaalada lagu xirto.
​Baaritaanno iyo hawlgalo ay sameeyeen ciidamada boliiska Balad weyne ayaa muujiyey in kooxaha nabad-diidka ah iyo dambiileyaashu ay si khaldan u isticmaalaan dharka haweenka. Waxaa gacanta lagu dhigay rag badan oo xirtay indho-shareer kuwaas oo isku dayayey inay fuliyaan falal amni-darro oo ka dhan ah shacabka iyo mas'uuliyiinta magaalada. ​Si loo daboolo dulduleeladaas amniga, waxaa lagama maarmaan noqotay in la qaado tillaabadan adag.

​Laga bilaabo maanta, laguma xiran karo indho-shareerka gudaha magaalada Beledweyne.
​Saacadaha soo socda, ciidamada boliiska waxay magaalada ka bilaabi doonaan hawlgal culus oo lagu xaqiijinayo dhaqan galka amarkan.
​Baaq ku socda Haweenka: Saldhigga Boolisku wuxuu si xushmad leh ugu baaqayaa dhammaan haweenka ku nool Beledweyne inay u hoggaansamaan amarkan, qaybna ka noqdaan sugidda amniga magaaladooda.


​"Amnigu waa mas'uuliyad wadaag ah. Go'aankan qofna laguma dhibaataynayo, balse waxaa lagu ilaalinayaa amniga hooyada, gabadha, iyo muwaadin kasta oo ku nool Beledweyne. Cid kasta oo u hoggaansami weyda amarkan,tilaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa.

Magaalada Baladweyne waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 June 2026 si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Shahaadiga ah ...
15/06/2026

Magaalada Baladweyne waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 June 2026 si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Dugsiyada Dhexe. Munaasabadda furitaanka imtixaanadan waxaa ka qeyb galay Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada Baladweyne, Cabdullaahi Maxamuud iyo Taliye xigeenka saldhiga, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil amni, maamulka waxbarashada, iyo macallimiin, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo sidii ardaydu u heli lahaayeen jawi ammaan ah oo ay ku galaan imtixaanaadkooda.

​Taliyaha Saldhigga Booliska, Cabdullaahi Maxamuud, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ciidamada ammaanka diyaariyeen qorshe lagun sugayo nabadgelyada goobaha imtixaanadu ka dhacayaan, Wuxuu sidoo kale ardayda kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal, daacadnimo, iyo anshax wanaagsan inta uu imtixaanku u socdo.
​Ugu dambeyntii, mas'uuliyiintii kale ee ka qeyb gashay furitaanka ayaa u rajeeyay dhammaan ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad guul iyo natiijooyin wanaagsan, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho si ay mustaqbalkooda ugu dhistaan.

Taliska Saldhiga Boliiska ee Degmada Beledweyne wuxuu ku wargalinayaa dhammaan bulshada ku nool magaalada Balad weyne  i...
06/06/2026

Taliska Saldhiga Boliiska ee Degmada Beledweyne wuxuu ku wargalinayaa dhammaan bulshada ku nool magaalada Balad weyne in ciidamada boliiska ay gacanta ku dhigeen taleefan gacmeed (Mobile) ay wateen koox ku eedeysan falal xatooyo ah.
​Taleefankan oo hadda yaala Saldhiga Boliiska Beled weyne, waxaa la raadinayaa qofkii muwaadinka ahaa ee lahaa ama laga xaday.

​Waxaan ka codsaneynaa qof kasta oo reer Beled weyne ah inuu nala baadi-goobo qofka iska leh taleefankan sawirkiisu idiin muuqdo.

👉 Haddii aad tahay qofka leh: Fadlan ugu kaalay Saldhiga Boliiska Beledweyne adoo wata caddeynta taleefanka.
👉 Haddii aad garanayso qof laga xaday: Fadlan la wadaag farriintan si uu hantidiisa dib ugu helo

Boliisku waa saaxiibka bulshada, kaalintaadana ka qaado sugidda amniga iyo hantida muwaadiniinta.

Ku: Dhammaan shacabka ku nool degmada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan​Gashalle Dhexe Abdullahi Mohamuud Siyaad...
26/05/2026

Ku: Dhammaan shacabka ku nool degmada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan
​Gashalle Dhexe Abdullahi Mohamuud Siyaad, Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Beledweyne, wuxuu idin leeyahay Cid Mubarak
​ "

Ciid Mubarak
19/03/2026

Ciid Mubarak

Ramadan Mubarak, Nabad ku Sooma
17/02/2026

Ramadan Mubarak, Nabad ku Sooma

WAR-SAXAAFADEED: SALDHIGA BOOLISKA DEGMADA BELEDWEYNE​Maanta oo Taariikhdu tahay 05/02/2026 waxaa lagu guuleystay in la ...
05/02/2026

WAR-SAXAAFADEED: SALDHIGA BOOLISKA DEGMADA BELEDWEYNE

​Maanta oo Taariikhdu tahay 05/02/2026 waxaa lagu guuleystay in la soo xiro Eedeysaneyaasha kala ah; C/shakuur Xasan Ibraahim iyo Maxamed Cawaale Cumar ku waas oo ku eedeysan Fal kufsi wadareed ah oo ka dhacday Beledweyne

Eedeysaneyaashan waxay qeyb ka yihiin kiis baaristiisa uu socdo waana labada keliya ee ka dhinaa kiiska waxaana la horgeyn doonaa Maxkamada awooda u leh.

Fadlan cid walbo oo tacadi la kulanta Saldhiga Boliiska Beledweyne ha soo gaarsiiyo cabashadiisa si cadaalad uu u helo.

Mahadsanidiin

Saldhiga Boliiska Degmada Beledweyne ayaa Gacanta ku soo dhigay Eedaysane Afaraad oo ku Eedaysan fal kufsi wadareed ah o...
02/02/2026

Saldhiga Boliiska Degmada Beledweyne ayaa Gacanta ku soo dhigay Eedaysane Afaraad oo ku Eedaysan fal kufsi wadareed ah oo ka dhacday Degmada Beledweyne.

Ciidmada Booliska Degmada Baladweyne ayaa gacanta ku dhigay saddex (3) eedeysane oo ku Eedaysan qodobka 398 XCS dhawaana...
01/02/2026

Ciidmada Booliska Degmada Baladweyne ayaa gacanta ku dhigay saddex (3) eedeysane oo ku Eedaysan qodobka 398 XCS dhawaana kasoo muuqday baraha bulshada, kuwaas oo lagu arkay muuqaal tacadi ay u geeysanataan gabar Soomaaliyeed.

Address

Beledweyne

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saldhiga Boliiska Beledweyne posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category