Radio Konfur Galbeed Somalia

Radio Konfur Galbeed Somalia This is the official page of Southwest State Radio, Somalia

08/05/2026

Isu-soo baxyo waaweyn oo ay dhigeen taageerayaasha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, kuwaas oo lagu muujinayey taageerada shacabka iyo u diyaar garowga doorashooyinka qof iyo codka ah.

08/05/2026

Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Ilyaas Cali Nuur oo Olole doorasho oo balaaran kawada magaalada Baydhabo.

08/05/2026

Xisbiga JSP oo malintii 2-aad olole balaaran ka wada degmada Bardaale ee gobolka Baay.

08/05/2026

Xisbiga JSP oo maanta magaalada xuddur kulan dadweyne oo ololaha doorashada kor loogu qaadaayo ku qabtey degmada xuddur ee xaruunta G/bakool.

08/05/2026

Musharax madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa deeq xoolo ah oo isugu jirta laba neef oo geel ah iyo 20 neef oo ari ah ku wareejiyay ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo Ciidanka Nabad-ilaalinta Itoobiya ee ku sugan degmada Diinsoor.

08/05/2026

Xisbiga JSP ayaa maanta degmada Wanlaweyn ka sameeyay olole siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo ay shacabka ugu soo bandhigayeen aragtidooda siyaasadeed iyo qorshaha ay u hayaan horumarka bulshada.
Ololahan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, dhalinyaro, haween iyo waxgarad, kuwaas oo si weyn u dhageystay fariimaha iyo himilooyinka xisbiga.

JSP ayaa diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada, horumarinta adeegyada bulshada iyo ka qeybgalka shacabka ee doorashooyinka qof iyo codka ah. 🗳️

08/05/2026

Urur Siyaasadeedka Tiir ayaa Maanta olole balaaran ka sameeyey gudaha magaalada Baydhabo

07/05/2026

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta gaaray degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool

07/05/2026

Wakiilka Xisbiga JSP ee Degmada Diinsoor ahna Guddoomiyaha Degmada, Mudane Ibraahim Maxamednuur “Shigshigow”, ayaa caawa khadka taleefanka kula xiriiray qaar kamid shacabka reer Diinsoor wuxuuna Weeydiistay ineey Codka Siiyaan Xisbiga JSP 15 Calaamada Shimbirta U Codeeyaan

07/05/2026

Howlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayay amniga ayaa maanta laga fuliyay duleedka Degmada Diinsoor ee gobolka Bay, iyadoo maamulka degmada iyo laamaha amniga ay sii laba jibaarayaan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada shacabka

07/05/2026

TOOS: BAYDHABO KULAN DADWEYNE, MUSHARAX MADAXWEYNE KOONFUR GALBEED MUDANE SHEEKH AADAN MOHAMED NUUR.

Address

Baydhabo

Telephone

+252613534099

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Konfur Galbeed Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share