Rajo Media Group

Rajo Media Group baidoa

Xog-hayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya Mudane Hussein Nuunow Ali ayaa si ...
05/05/2026

Xog-hayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya Mudane Hussein Nuunow Ali ayaa si rasmi ah u daahfuray kulanka tababarka iyo warbixin-siinta wakiilada ururrada siyaasadeedka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Guddiga ee lagu xoojinayo hufnaanta, daahfurnaanta, iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashooyinka. Waxaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadidda fahamka ka qaybgalayaasha ee habraacyada doorashada, waajibaadka saaran, iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin hubinta doorasho xor iyo xalaal ah.

Mudane Hussein Nuunow Ali ayaa khudbaddiisii furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo dhexmarta dhammaan dhinacyada ay khusayso doorashadu, isaga oo xusay in tababarradan ay door weyn ka qaadanayaan sugidda nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya waxa uu mar kale caddeynayaa sida ay uga go’an tahay hirgelinta doorashooyin waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

30/04/2026

Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

29/04/2026

Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Magacaabay Maamulada Gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

29/04/2026

Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Mudane Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mahad celiyay soodhawayntii magaalada Baydhabo.

29/04/2026

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Mudane Tom Fletcher, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

25/04/2026

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

19/04/2026

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed

18/04/2026

Hoggaamiyaha ku meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Magacaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed.

18/04/2026

Hoggaamiyaha ku meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed si uu u qiimeeyo habsami u socodka howlaha shaqo ee hay’adahaasi u hayaan bulshada.

Address

Baydhabo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rajo Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share