14/05/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mohamed Hussein ayaa si qoto dheer uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Marxuum Ali Adow, iyo Taliyihii Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, Marxuum Yoonis Adam, kuwaas oo maanta ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa sheegay in labada taliye ay ahaayeen saraakiil geesiyaal ah oo naftooda u huray difaaca dalka, shacabka iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, isagoo tilmaamay in geeridoodu ay tahay mid murugo weyn ku reebtay guud ahaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, ehelladii, ciidamada qalabka sida iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen labada taliye ee geesiyaasha ahaa. Waxay naftooda u hureen difaaca dalkooda iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa Alle uga baryay marxuumiinta inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehellada, ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.