30/05/2026
MAGAALADA BAYDHABO OO KA QABSOONTAY MUNAASABADA DHAARINTA XUBNAHA CUSUB EE BAARLAMAANKA KOONFUR GALBEED.
Baydhabo, 30, May, 2026: Hogaamiyaha ku meel Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ka qeybgalay Munaasabada Dhaarinta Xubnaha Cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed oo Munaasabadooda Dhaarinta ka qabsoontay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goob joog ahaa Musharaxiinta utartamaya Xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Odayaal dhaqameedyo, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo marti sharaf kale, iyadoo xubnaha cusub ee Golaha Wakiilada si rasmi ah loogu dhaariyey gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.
Hogaamiyaha ku meel Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa xubnaha la dhaariyey kula dardaarmay inay si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh ugu adeegaan shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka shaqeeyaan xoojinta dowladnimada, amniga, horumarka iyo wadajirka Bulshada.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa sidoo kale bogaadiyey habsami u socodka munaasabadda dhaarinta iyo dadaallada lagu xoojinayo hanaanka dowlad dhiska Dowladda Koonfur Galbeed.
DHAMMAAD