๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ

  • Home
  • Somalia
  • Baydhabo
  • ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ

๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ Naadigu waxa uu ka shaqeeyaa oo uu dhiirrigeliyaa waxbarashada, akhriska iyo qoraalka.

๐„๐ข๐ ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐ซ๐š๐ค.Waxaan guud ahaan umadda Islaamka ugu hambalyeynaynnaa, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed farxadda ๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ-๐Ÿ๐ข๐ญ๐ซ๐ข...
19/03/2026

๐„๐ข๐ ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐ซ๐š๐ค.

Waxaan guud ahaan umadda Islaamka ugu hambalyeynaynnaa, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed farxadda ๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ-๐Ÿ๐ข๐ญ๐ซ๐ข.

ุชู‚ุจู„ ุฃู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุฃู„ุฃุนู…ุงู„๐Ÿคฒ
Waxaan isu rajeynaynaa caafimaad iyo farxad inaan kuwada ciidno ehel iyo asxaab.

17/02/2026

Soonka iyo Fadiilada uu Leeyahay

Soonku: waa cibaado weyn oo ka mid ah tiirarka Islaamka, gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa waajib uu Alle ku faral yeelay muslimiinta, si ay u gaaraan cabsida Alle (taqwo), naftoodana u tarbiyeeyaan.
1. Soonku Waa Amar Alle
Alle wuxuu Qurโ€™aanka ku yiri in soonku uu ku waajibay muslimiinta sida uu ugu waajibay kuwii ka horreeyey. Tani waxay muujinaysaa in soonku yahay cibaado qadiim ah oo qiimo weyn leh. Ujeeddadiisu waa in qofku barto sabar, adkaysi, iyo Alle ka cabsi.
2. Dambi Dhaaf iyo Nadiifin
Soonku wuxuu sabab u noqdaa in dambiyada la dhaafo. Nebigeenna Muxammad (NNKH) wuxuu sheegay in qofkii sooma Ramadaan isagoo iimaan iyo ajar rajeynaya dambiyadiisii h**e la dhaafo. Sidaas darteed, waa fursad dahabi ah oo qofku ku nadiifin karo qalbigiisa.
3. Barbaarinta Nafta
Marka qofku ka fogaado cuntada, cabbitaanka, iyo waxyaabaha kale ee soonka jebiya, wuxuu baranayaa is-xakameyn. Tani waxay ka caawisaa inuu ka dheeraado xumaanta sida been, xanaaq, iyo hadal xun.
4. Midnimo iyo Walaaltinimo
Bisha Ramadaan muslimiintu waxay wadaagaan dareen isku mid ahโ€”gaajo, harraad, iyo cibaado. Tani waxay xoojisaa jacaylka iyo isku duubnida bulshada dhexdeeda, waxayna kobcisaa sadaqada iyo caawinta masaakiinta.
5. Abaalmarin Weyn
Soonku wuxuu leeyahay ajar gaar ah. Alle wuxuu xadiis Qudsi ku sheegay in soonku isaga u gaar yahay, isaguna uu ka abaalmarinayo si gaar ah. Tani waxay muujinaysaa fadliga iyo qiimaha sare ee cibaadadan.

Gunaanad:
Soonku ma aha oo keliya in laga fogaado cunto iyo cabbid, balse waa safar ruuxi ah oo qofka u horseeda daahirnimo, sabar, iyo taqwo. Qofkii si dhab ah u sooma, wuxuu helaa dambi dhaaf, qalbi nadiif ah, iyo ajar aan la qiyaasi karin.

Soonqaad wanaagsan, dhamaan umadda Muslimiinta. Illaahay waxaan ka baryeynnaa inuu naga yeelo kuwii ka faaideysta bishaa...
17/02/2026

Soonqaad wanaagsan, dhamaan umadda Muslimiinta. Illaahay waxaan ka baryeynnaa inuu naga yeelo kuwii ka faaideysta bishaan kheyrka leh.

๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ ๐Ÿ–Š๏ธ

Waxaan aad u bogaadinaynnaa shaqadaa quruxda badan dhalinta isku howshay. Waxay qabteen howl looga baahnaa umad dhan.๐ƒ๐จ๐œ...
17/02/2026

Waxaan aad u bogaadinaynnaa shaqadaa quruxda badan dhalinta isku howshay. Waxay qabteen howl looga baahnaa umad dhan.

๐ƒ๐จ๐œ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ง๐ญ๐š๐ซ๐ฒ-๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข waxaa uu kulansaday noloshii halyeeynimo iyo dhaqan ee uu sheekhu ku suntanaa.

Aanu kawada faaideysanno insha Allah.

๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ ๐Ÿ–Š๏ธ

๐Ÿ• ๐‚๐š๐ฌ๐ก๐š๐ซ ๐จ๐จ ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š โ€œ๐‡๐จ๐ฐ ๐ญ๐จ ๐‹๐ž๐š๐ ๐’๐ฆ๐š๐ซ๐ญ ๐๐ž๐จ๐ฉ๐ฅ๐ž: ๐‹๐ž๐š๐๐ž๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐๐ซ๐จ๐Ÿ๐ž๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ๐ฌโ€(๐ช๐จ๐ซ๐ž๐ฒ๐š๐š๐ฅ: ๐€๐ซ๐ฎ๐ง ๐’๐ข๐ง๐ ๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ข๐ค๐ž ๐Œ...
27/01/2026

๐Ÿ• ๐‚๐š๐ฌ๐ก๐š๐ซ ๐จ๐จ ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š โ€œ๐‡๐จ๐ฐ ๐ญ๐จ ๐‹๐ž๐š๐ ๐’๐ฆ๐š๐ซ๐ญ ๐๐ž๐จ๐ฉ๐ฅ๐ž: ๐‹๐ž๐š๐๐ž๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐๐ซ๐จ๐Ÿ๐ž๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ๐ฌโ€
(๐ช๐จ๐ซ๐ž๐ฒ๐š๐š๐ฅ: ๐€๐ซ๐ฎ๐ง ๐’๐ข๐ง๐ ๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ข๐ค๐ž ๐Œ๐ข๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ):

๐Ÿ-๐๐š๐š๐๐จ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง ๐–๐š๐๐š-๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง ๐Š๐ฎ ๐’๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง:

Qorayaashu waxay adkaynayaan muhiimadda wada-shaqaynta ee hoggaaminta, gaar ahaan marka la maamulayo dad isku heer ah. Hoggaamiyeyaasha wax ku oolka ah waxay abuuraan jawi ay xubnaha kooxdu isku arkaan kuwo la qiimeeyo, laguna dhiirrigeliyo inay soo bandhigaan fikradahooda iyo khibraddooda.

๐Ÿ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข ๐†๐š๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š (๐„๐ฆ๐จ๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐ž๐ง๐œ๐ž):

Fahamka iyo maareynta dareenkaโ€”kuwaaga iyo kuwa xubnaha kooxdaโ€”waa arrin aad u muhiim ah. Buuggu wuxuu muujinayaa in garaadka dareenku uu xoojiyo isgaarsiinta, dhiso kalsoonida, isla markaana hagaajiyo wada-shaqaynta kooxda, taas oo ka dhigaysa xirfad lama huraan u ah hoggaamiyeyaasha.

๐Ÿ‘ ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข ๐’๐ข ๐‚๐š๐ ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฑ-๐ค๐ฎ-๐จ๐จ๐ฅ ๐š๐ก:

Isgaarsiin cad waa tiir muhiim u ah hoggaan guul leh. ๐’๐ข๐ง๐ ๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ข๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ waxay adkaynayaan baahida hoggaamiyeyaashu u qabaan inay si cad u muujiyaan aragtidooda iyo waxa laga filayo, si loo hubiyo in dhammaan xubnaha kooxdu isku ujeeddo yihiin isla markaana fahmaan doorarkooda.

๐Ÿ’ ๐Š๐ฎ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข ๐“๐ฎ๐ฌ๐š๐š๐ฅ๐ž ๐–๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง:

Qorayaashu waxay ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha inay muujiyaan dabeecadda ay rabaan inay ku arkaan kooxdooda. Marka hoggaamiyuhu tuso daacadnimo, isla-xisaabtan, iyo anshax shaqo oo adag, wuxuu ku dhiirrigelin karaa xubnaha kooxda inay qaataan qiyam iyo dabeecado la mid ah.

๐Ÿ“ ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข ๐–๐š๐ฑ ๐๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐‰๐จ๐จ๐ ๐ญ๐จ ๐š๐ก:

Kobcinta dhaqan wax barasho joogto ah waa mid aad muhiim ugu ah horumarinta kooxda. Buuggu wuxuu ku dhiirrigelinayaa hoggaamiyeyaasha inay taageeraan koritaanka xirfadeed iyagoo bixinaya fursado tababar, hagid (mentorship), iyo horumarinta xirfadaha, taas oo kor u qaadi karta waxqabadka kooxda.

๐Ÿ” ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐ž๐ž๐ ๐–๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง:

Abuurista dhaqan kooxeed oo wanaagsan oo loo dhan yahay waa lama huraan si loo helo ka-qaybgal iyo wax-soo-saar sare. Qorayaashu waxay soo jeedinayaan in hoggaamiyeyaashu si firfircoon uga shaqeeyaan dhisidda jawi taageero leh, halkaas oo xubnaha kooxdu ay ku dareemaan ammaan inay cabbiraan fikradahooda isla markaana ay qaataan halis.

๐Ÿ• ๐‹๐š ๐๐š๐›๐ฌ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ค๐š๐š๐ ๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ž๐ž๐:

Buuggu wuxuu adkaynayaa muhiimadda dabacsanaanta ee qaababka hoggaaminta. Xaalado kala duwan iyo isdhexgalka kooxda ayaa u baahan kara habab kala geddisan, hoggaamiyeyaasha wax ku oolka ahna waa kuwa awood u leh inay la qabsadaan qaabkooda hoggaamineed si ay ula jaanqaadaan baahiyaha kooxdooda iyo caqabadaha ay wajahayaan.

Casharradan waxay bixiyaan hagid qiimo leh oo loogu talagalay xirfadlayaasha doonaya inay horumariyaan xirfadahooda hoggaamineed isla markaana si wax ku ool ah u maareeyaan kooxo ay xubnahoodu isku heer yihiin.

Tarjamaad ๐†๐จ๐› ๐ฆ๐ž๐ž๐ญ๐ฌ

๐Ž๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก๐Ÿ“ข๐Ÿ“ฃ๐Ÿ“.Dhamaan dadkii ka qeyb galay tababarkaasi waxaan u sheegaynaa in ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐š๐ ๐ญ๐ข๐ข ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ฃ๐š๐๐ฐ๐š๐ฅ๐š๐๐š d...
26/01/2026

๐Ž๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก๐Ÿ“ข๐Ÿ“ฃ๐Ÿ“.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay tababarkaasi waxaan u sheegaynaa in ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐š๐ ๐ญ๐ข๐ข ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ฃ๐š๐๐ฐ๐š๐ฅ๐š๐๐š diyaar yihiin, waxaadna kala xiriiri kartaan nambarada hoose๐Ÿ‘‡
๐ŸŽ๐Ÿ”๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ–๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ“๐Ÿ–๐Ÿ—- ๐ŸŽ๐Ÿ”๐Ÿ๐Ÿ“๐Ÿ”๐Ÿ—๐Ÿ“๐Ÿ•๐Ÿ๐Ÿ• ๐–๐š๐ญ๐ญ๐ฌ๐€๐ฉ๐ฉ

Waxaan mahadsanid leennahay ustaad Abdurasak Isack Bulle .

Balanteennu waa dhisida wacyiga bulshada ๐Ÿ–Š๏ธ

25/01/2026

๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ ๐Ÿ–Š๏ธ.

๐Ÿ– ๐‚๐š๐ฌ๐ก๐š๐ซ ๐ž๐ž ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š " ๐‰๐จ๐จ๐ฃ๐ข ๐›๐ž๐ž๐ง ๐ฎ ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ ๐ข๐๐š ๐ง๐š๐Ÿ๐ญ๐š๐š๐๐š" ๐ž๐ž ๐ฎ๐ฎ ๐ช๐จ๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ข๐ฆ๐จ๐ง ๐†๐ข๐ฅ๐ก๐š๐ฆ .๐Ÿ-๐๐€๐…๐“๐€๐€๐ƒ๐€ ๐” ๐ƒ๐€๐€๐‚๐€๐ƒ ๐๐Ž๐๐Ž:Cas...
24/01/2026

๐Ÿ– ๐‚๐š๐ฌ๐ก๐š๐ซ ๐ž๐ž ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š " ๐‰๐จ๐จ๐ฃ๐ข ๐›๐ž๐ž๐ง ๐ฎ ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ ๐ข๐๐š ๐ง๐š๐Ÿ๐ญ๐š๐š๐๐š" ๐ž๐ž ๐ฎ๐ฎ ๐ช๐จ๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ข๐ฆ๐จ๐ง ๐†๐ข๐ฅ๐ก๐š๐ฆ .

๐Ÿ-๐๐€๐…๐“๐€๐€๐ƒ๐€ ๐” ๐ƒ๐€๐€๐‚๐€๐ƒ ๐๐Ž๐๐Ž:
Casharka ugu muhiimsan ee ku jira buuga waa baahida ah daacadnimo nafeed. Gilham wuxuu xoog u tilmaamayaa in koriimada qofku ay ka bilaabato inaan garwaaqsano qaladaadkeenna iyo inaan wajahno xaqiiqada ama runta nolosheenna qusaysa. Inaan nafteena udaacad noqono waxay keenaysaa inaan fahanno dhinacyada aan ubaahannahay inaan ka hormarno iyo talaabooyinka aan qaadayno si uu is bedal u dhaco.

๐Ÿ-๐‰๐Ž๐Ž๐‰๐ˆ ๐‚๐”๐ƒ๐”๐‘-๐ƒ๐€๐€๐‘๐Š๐€:
Cudurdaarku had iyo jeer waxaan u isticmaalnaa inaan marmarsiyo u helno guul darooyinkeenna iyo inaan ka fogaanno mas,uuliyad qaadasho. Gilham wuxuu akhristayaashu ku dhiiro gelinayaa inay joojiyaan cudur daarka iyo inay qaataan mas,uuliyada lahaanshaha naftooda. Waajahida caqabadaha ina horyaala, waxaa ku hormaro adkeysigii iyo go,aan qaadashadii lagu gaari lahaa guusha.

๐Ÿ‘.๐Š๐€ ๐—๐Ž๐‘๐Ž๐Ž๐– ๐€๐€๐Œ๐ˆ๐๐€๐€๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐—๐€๐ƒ๐ˆ๐ƒ๐€๐
Wax badan oo kamid ah aaminaadaha xadidaya nafta waxaa ay ka imaadeen dhacdooyin h**e ama fariimo taban oo ka imanaya dadka kale. Gilham wuxuu xujo ugu xirayaa akhristayaasha in ay su,aal iska waydiiyaan aaminaadaas iyo inay ku bedeshaan kuwo kale oo taban lehna awood siin badan. Waxaan furan karnaa awoodaheenna oo buuxa waana gaari karnaa yoolasheenna.

๐Ÿ’-๐๐€๐€๐ƒ๐Ž ๐Œ๐€'๐’ ๐”๐”๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐€ ๐…๐ˆ๐‚๐ˆ๐‹๐‹๐€๐ƒ๐€๐€๐ƒ๐€:
Ficilladeennu waa kuwo ka turjumaya waxa aan aaminsannahay iyo qiyamkanaga. Gilham wuxuu xooga saarayaa muhiimada ay leedahay qaadashada ma's uuliyada ficiladeenna iyo cawaaqibtooda. Inaan qaadanno lahaanshiyaha qaladaadkeenna waxay muhiim utahay inaan wax ka barano iyo inaan u korno shakhsi ahaan.

๐Ÿ“-๐๐€๐๐€๐€๐๐Š๐€ ๐”๐†๐€ ๐’๐Ž๐Ž ๐๐€๐— ๐€๐€๐†๐€ ๐๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐๐€๐ƒ๐€:
Koriimada shakhsigu waxay u baahantahay inaad banaanka uga baxdid aaga nasiinada iyo inaad qaadato halisaha. Qoraaga buuga wuxuu akhristayaasha ku dhiirogelinayaa inay qaataan caqabadaha iskuna dayaan wax-yaalo cusub. Inagoo nafteenna ka riixayna xadadka, waxaannu balaarin karnaa aragtideenna waxaa kaloo ikhtiraaci karnaa fursado cusub.

๐Ÿ”-๐—๐Ž๐Ž๐†๐€ ๐’๐€๐€๐‘ ๐–๐€๐—๐€ ๐—๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘๐Š๐€ ๐€๐‡:
Ku noolaanshaha ama qoomamada wax h**e iyo ka walwalida waxa Soo socda waxay innaga hor istaagayaan inaan si dhameystiran ugu noolaanno waxa xaadirka taagan. Gilham wuxuu xoojinayaa muhiimada ay leedahay diktoonida iyo diirada inaan saarno goobtan iyo hadda. Ku noolaanshaha waqtiga la joogo waxaan ka heli karnaa quruxda nolosha, waxayna yareynaysaa walwalka iyo walbahaarka.

๐Ÿ•- ๐๐€๐…๐“๐€๐€๐ƒ๐” ๐–๐€๐€ ๐ˆ๐ ๐€๐˜ ๐Š๐” ๐—๐„๐„๐‘๐๐€๐€๐ƒ๐€๐€๐ ๐ƒ๐€๐ƒ๐Š๐€ ๐‹๐„๐‡ ๐’๐€๐€๐Œ๐„๐˜๐๐“๐€ ๐“๐Ž๐†๐€๐:
Dadka innagu xeeran waxay nafteena ku leeyihiin saameyn weyn. Qoraagu wuxuu dhiira gelinayaa in lala saaxiibo dadka leh saameynta togan, dadka taageerada badan kuwaa oo ku dhiiro geliya. Inaan ka fogaano saameeynta taban waxaan ku abuuri karnaa wax badan oo togan iyo deegaan hormar oo buuxa.

๐Ÿ–-๐‘๐”๐Œ๐„๐˜๐’๐Ž ๐๐€๐…๐“๐€๐€๐ƒ๐€:
Aaminaada nafteennu waxay aasaas utahay inaanu gaarno hadafyadeenna. Gilham wuxuu xoojinayaa muhiimada ay leedahay aaminaada nafta iyo kalsoonida nafta. Inaynu aaminno nafafkeenna waxaan uga gudbi karnaa caqabadaha, waxay innaga ilaalisaa dib udhaca, iyo ugu dambeyntii waxaynu gaareynaa riyooyinkeenna.

Tarjamaad:Gรถb Meets.๐Ÿ–Š๏ธ

๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ ๐Ÿ–Š๏ธ
22/01/2026

๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ ๐Ÿ–Š๏ธ

๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ iyo Gฤrsฤ platform ayaa galabnimadii maanta waxaa ay Baydhabo ugu qabteen bahda waxbara...
22/01/2026

๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ iyo Gฤrsฤ platform ayaa galabnimadii maanta waxaa ay Baydhabo ugu qabteen bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan iyo bulshada kale ee magaalada.

Tababarkaan oo lagu baranaayey ๐๐ž๐ซ๐ฌ๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐’๐ญ๐ซ๐š๐ญ๐ž๐ ๐ข๐œ ๐๐ฅ๐š๐ง ayaa waxaa bixinaayey ustaad Abdurasak Isack Bulle oo kamid ah barayaasha deegaanada ๐Š๐จ๐จ๐ง๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐›๐ž๐ž๐ aadka looga yaqaano.

Waxaan u mahad naqeynnaa dhamaan ka soo qeybgalayaashii soo xaadirey madasha tababarka iyo bahda warbaahinta oo ay u h**eeyaan Janaay HD ๐Ÿ‘๐Ÿ‘.

Balanteennu waa dhisida wacyiga bulshada ๐Ÿ–Š๏ธ

22/01/2026

Address

Baydhabo

Telephone

+252612811589

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š & ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฒ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category