Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia

Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia Ministry Of Commerce and Industry - Southwest State of Somalia. Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha

 . Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdullahi Abdi Mohamed uu Weh...
05/11/2025

.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdullahi Abdi Mohamed uu Wehliyo Agaasimaha Guud Wasaarada Mudane Yakub Isak Hussein ayaa caasimada Nairobi- Kenya kaga qayb galay kulan heer sare ah oo lagu falanqeeyay xoojinta nidaamka diiwaangelinta iyo ruqsadaha ganacsiga ee Soomaaliya.

Kulanka waxa qeyb ka ahaa wasaarada ganacsig & Warshadaha Federaalka, wasaaraha ganacsiga heer Dowlad goboleed iyo Bangiga Adduunka,

Kulank ayaa lagu falan qeeyey xoojinta nidaamyada diiwaangelinta iyo ruqsadaha ganacsiga taa oo tallaabo aas-aasi u ah dhisidda deegaan ganacsi oo hufan, daahfuran, oo lagu kalsoonaan karo.

Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak Hussein ayaa si rasmi ah u daa...
22/10/2025

Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak Hussein ayaa si rasmi ah u daah furay kulan muhiim ah oo looga hadlayay qaabka cusub ee maalgelinta (innovative financial product) ee ay hirgelinayaan hay’adaha World Vision, SomRep, iyo SomRil iyagoo kaashanaya Wadaag Microfinance Institution (MFI).

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah ka qeyb g...
12/09/2025

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah ka qeyb galay Bandhigga Ganacsiga Koonfur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Wasaaradda Ganacisga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed ayaa sanadkii labaad oo joogta ah Qabatay bandhiga Ganacsiga kaa oo lagu soo bandhigay waxsoosaarka Gudaha iyo hal abuurada ganacsiga Qeybihiisa kala duwan sido kale inta uu socdo bandhiga waxa lagu soo bandhigi doona fursado maalgashi oo ay diyaariyeen shirkado maxalli ah iyo kuwo caalami ah.

Madaxweynuhu intii uu ku guda jiray booqashada xarumaha bandhigga, waxa uu dhiirrigeliyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan tayada waxsoosaarkooda, si ay ula tartamaan suuqa caalamka.

Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak ayaa maanta kulan looga hadlaa...
11/09/2025

Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak ayaa maanta kulan looga hadlaayey maalgalinta loo dhanyahay xarunta Wasaarada kula yeeshay Madax ka socotay hey’ada World Vission iyo SomRIL oo bahwadaag la ah dallada Somrep.

Shirka ayaa diirada lagu saaray sidii ganacsatada yaryar loogu sameyn lahaa barnaamijyo lagu kobcinaayo aqoontooda ganacsiga isla markaana ay u heli lahaayeen maalgalino kaabaaya ganacsigooda

10/09/2025

Xiriirka ka dhexeeya nabadda, xasilloonida, iyo koboca dhaqaalaha waa mid tiir dhaxaad ah.
Fariinta Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak Hussein.

Address

Baydhabo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia:

Share