16/08/2026
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha garsoorka dolwada Koonfur galbeed Mudane, Abdirihim Mohamed Ibrahaim iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu qeyb ka yahay agaasimaha Waaxdda Garsoorka Mohamed Hassan Mader, Ayaa maanta howla shaqo ku tagay degmada Afgooye.
Waxayna halkaas kulan kula qaatayn xarunta degmada, Guddoomiyaha degmada Afgooye, Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga gobalka shabeelaha hoose, Taliyaha booliska Koonfur galbeed, taliyaha daraawiishta guutada kowaad, taliyaha Saldhiga Degmada, Guddoomiyaha Maxkamadda degmada, Garsoorayaasha, iyo Xeer-ilaaliyeyaasha degmada. Kulanka waxa lagu lafa-guray horumarinta adeegyada caddaaladda ee gobalka shabeelaha hoose iyo caqabadaha ka jira degmada afgooye.
Intaas ka dib Wasiirka ayaa kormeer ku soo maray xafiisyada degmada, isagoo si gaar ah u booqday Saldhiga Booliska, Maxkamadda Degmada, Xabsiga Asluubta, iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta.Intii uu kormeerka ku jiray, wasiirka waxa uu boggaadiyay shaqada socota, isagoo ballan qaaday in Wasaaraddu si dhow ula shaqeyn doonto maamulka degmada. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda ay ka goโan tahay horumarinta adeegyada caddaaladda ee gobalka shabeelaha hoose
Wasiir Abdirihiin ( DM O ayaa gudoomiyaasha heer gobal iyo degma, taliyaasha qeybaha iyo bahda Garsoorka ee shabeelaha hoose uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxaana xusay inay ka Wasaaradda Cadaaladdeyd ahaan ay ka goโan tahay in la helo Garsoor hufan oo ka madhan musuqa si loo helo cadaalad aan daahis lahayn, isaga oo bahda Garsoorka ee koonfur galbeed kula dar-daarmay Alle ka cabsi iyo ku dhaqanka shuruucda si kor looggu qaado aaminaada shacabka reer koonfur galbeed.
Ugu dambayn wasiirka ayaa kulanka ka sheegay in cadaalad hufan ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo hagaajinta nidaamka garsoorka. Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo kor u qaadista tayada adeegyada garsoor ee la siiyo bulshada.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Warbixinida
Department Communicationmoj.sw.so
Website:Moj.sw.so