08/05/2026
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday degmada Qansaxdheere ee Gobalka Bay Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha Mudane Suudaani iyo Mudane Mahad oo ka tirsan Golaha Deegaanka, ayaa sidoo kale lagu muujiyay taageero ballaaran oo loo hayo musharraxa xilka madaxweyne, Sheekh Aadan Madoobe.
Munaasabaddan oo si weyn uga muuqday midnimo, wadajir, iyo taageerada shacabka. Ayaa Dadkii ka qeybgalay muujiyay garab istaag iyo taageero ay u hayaan hoggaamiyaashooda, iyagoo ammaanay dadaallada iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarka iyo mideynta bulshada.