Golaha Wakiilada-DGKGS

Golaha Wakiilada-DGKGS Bogga Rasmiga ah Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

22/08/2026

Xildhibaan Aadan Cabdi Gaas Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

GUDDIGA JOOGTADA AH OO KULANKIISII KOOWAAD KU DEJIYEY AJANDEYAASHA GOLAHA IYO SHAQOOYINKA MUDNAANTA LEHBaydhabo, 22 Agoo...
22/08/2026

GUDDIGA JOOGTADA AH OO KULANKIISII KOOWAAD KU DEJIYEY AJANDEYAASHA GOLAHA IYO SHAQOOYINKA MUDNAANTA LEH

Baydhabo, 22 Agoosto 2026: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii koowaad, kaas oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Mudane Aadan Xasan Maxamed iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Wakiillada.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dejinta ajandeyaasha kulamada Golaha, kala hormarinta hindise sharciyeedyada horyaalla Golaha, dardargelinta shaqooyinka guddiyada iyo qorsheynta howlaha Baarlamaanka.

Guddiga Joogtada ah ayaa isla qaatay in mudnaan la siiyo hindise sharciyeedyada muhiimka u ah Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, isla markaana si nidaamsan loo jadwaleeyo ajandeyaasha Golaha, si loo dardargeliyo gudashada waajibaadka sharci dejinta, matalaadda shacabka iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Guddigu wuxuu ka arrinsaday qabashada barnaamij shaqo oo saddex maalmood ah, kaas oo lagu xoojinayo kor u qaadidda awoodda guddiyada, habraacyada shaqada iyo gudashada waajibaadkooda baarlamaaniga ah.

Guddoomiyaha Golaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta shaqooyinka Baarlamaanka iyo in Xildhibaannadu xiriir joogto ah la yeeshaan bulshada ay matalaan, una soo gudbiyaan Golaha baahiyaha iyo aragtiyaha shacabka.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA BULSHADA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD GOBALEEDKA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Bulshada ee Golaha wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Ahmed Mohamed Ibrahim

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA KHEYRAADKA EE GOLAHA WAKIILLADA IYO WASIIRKA KALLUUMEYSIGA OO KORMEER SHAQO KU TAGAY DEEGAANKA JASI...
20/08/2026

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA KHEYRAADKA EE GOLAHA WAKIILLADA IYO WASIIRKA KALLUUMEYSIGA OO KORMEER SHAQO KU TAGAY DEEGAANKA JASIIRA EE GOBOLKA SHABEELLADA HOOSE

Baydhabo, Agoosto 20, 2026: Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Xildhibaan Cabdixaafid Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Mudane Maxamed Cismaan Oore, iyo Xildhibaannada laga soo doortay deegaanka ayaa kormeer shaqo ku tagay Deegaanka Jasiira ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Masuuliyiinta ayaa la kulmay maamulka Deegaanka Jasiira, iskaashatooyinka kalluumeysiga iyo kalluumeysatada deegaanka, iyagoo ka xog wareystay xaaladda wax soo saarka kalluumeysiga, caqabadaha jira iyo duruufaha ku xeeran kalluumeysatada deegaanka.

Intii uu kormeerku socday, masuuliyiinta ayaa qiimeeyey baahiyaha ka jira deegaanka, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta wax soo saarka kheyraadka badda, tayeynta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada deegaanka.

Waxay sidoo kale sheegeen in la xoojin doono wada shaqeynta Golaha Wakiillada, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo hay’adaha ay khuseyso, si wax looga qabto caqabadaha ay soo bandhigeen kalluumeysatadu, loona horumariyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda.

Ugu dambeyn, masuuliyiinta ayaa booqday goob loo qorsheeyey in laga hirgeliyo kawaan kalluun oo leh qaboojiyeyaal. Mashruucan ayaa muhiim u ah kordhinta wax soo saarka badda, dhowrista tayada kalluunka, abuurista fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada iyo kobcinta dhaqaalaha Deegaanka Jasiira iyo guud ahaan Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Bulshada ee Golaha wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Ahmed Mohamed Ibrahim

KU SIMAHA HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOOFUR GALBEED OO GARAB ISTAAGAY CIIDAMADA KU DHAAWACMAY WEERARKII LA FASHILIYEYBaydhabo...
17/08/2026

KU SIMAHA HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOOFUR GALBEED OO GARAB ISTAAGAY CIIDAMADA KU DHAAWACMAY WEERARKII LA FASHILIYEY

Baydhabo, Agoosto 17, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, ahna Ku Simaha Hoggaamiyaha Dowladda, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ka sagootiyey qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee ku dhaawacmay weerarkii ay ciidamadu ku fashiliyeen magaalada Baydhabo, isagoo mid mid u dul istaagay dhaawacyada, una rajeeyey caafimaad degdeg ah.

Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa sheegay in dowladdu garab taagan tahay ciidamada waxyeelladu ka soo gaartay weerarka, wuxuuna hay’adaha ay khusayso faray inay daryeel caafimaad oo buuxa siiyaan dhammaan askarta dhaawacantay.

Ku simaha Hoggaamiyaha Dowladda ayaa ciidamada qalabka sida ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay u fashiliyeen weerarka, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, kana qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhallinyarada la marin habaabiyey inay ka waantoobaan colaadda, kana soo laabtaan jidka qaldan, una soo noqdaan dadkooda iyo deegaankooda, si ay uga qeyb qaataan nabadda, horumarka iyo dib u dhiska bulshada.

Ugu dambayn, wuxuu Alle uga baryey ciidamada iyo shacabkii ku dhaawacmay inuu caafimaad degdeg ah oo dhammaystiran siiyo.

Geeshkeenow, guuleysta.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada ee Golaha wakiillada Dowladda Koofur Soomaaliya.

Ahmed Mohamed Ibrahim

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOLAHA...
10/08/2026

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOLAHA SHACABKA BJFS.

Baydhabo, Agoosto 10, 2026: Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa hambalyo diirran u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u doorteen xilkaas.

Ugu dambayn, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul iyo in Alle ku garab galo xilka loo doortay.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Agaasimaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ahmed Mohamed Ibrahim

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD GOBALEEDKA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA AHNA KU SIMAHA HOGGAAMIYAHA OO HAMBALYO U DIR...
10/08/2026

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD GOBALEEDKA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA AHNA KU SIMAHA HOGGAAMIYAHA OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOLAHA SHACABKA BJFS.

Baydhabo, Agoosto 10, 2026:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ahna Ku simaha hoggaamiyaha, mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa hambalyo diirran u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)oo ay maanta xilkaas u doorteen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dr. Mahada ayaa Gudoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannadu ku doorteen, isagoo u rajeeyay guul iyo in Alle u fududeeyo masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu muujiyay muhiimadda wada shaqaynta Baarlamaanka, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si loo xoojiyo dowladnimada, midnimada iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Guddoomiye Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, iyo in Alle ku garab galo xilka loo doortay.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada ee Golaha wakiillada Dowladda Koofur Soomaaliya.

Ahmed Mohamed Ibrahim

GUDDIGA DASTUURKA ANSHAXA IYO XEER-HOOSAADKA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO HOGGAAN DOORTAY.Bay...
05/08/2026

GUDDIGA DASTUURKA ANSHAXA IYO XEER-HOOSAADKA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO HOGGAAN DOORTAY.

Baydhabo, Agoosto, 5, 2026:-Doorasho maanta ka qabsoontay xarunta Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa lagu doortay Guddoonka Guddiga Dastuurka Anshaxa iyo Xeer hoosaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddoonka Guddiga la doortay ayaa kala ah:-

1-Xildhibaan Aadan Cabdi Isaaq ( Guddoomiye ).

2-Xildhibaan Maxamed Ibraahim Aadan ( Guddoomiye ku xigeen ).

3-Xildhibaan Isaaq Xasan Maxamed ( Xoghaye ).

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Ahmed Mohamed Ibrahim

GUDDIGA HOWLAHA GUUD IYO DIB U-DHISKA  EE GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO DOORTAY GUDDOON.Baydha...
03/08/2026

GUDDIGA HOWLAHA GUUD IYO DIB U-DHISKA EE GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO DOORTAY GUDDOON.

Baydhabo, Agoosto, 3, 2026:-Xadunta Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya doorasho maanta ka qabsoontay ayaa waxaa lagu doortag Guddoonka Guddiga Howlaha guud iyo dib-udhiska ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddigaan oo muhiim u ah howlaha dib u-dhiska Koofur galbeed iyo korjoogtaynta hay,adaha shaqada ku leh ayaa maanta si rasmi ah u doortay hoggaanka hagi lahaa Guddigaas.

Doorashadaan oo ku dhacday si-daah furan iyo dimuquraadi ayaa waxaa la doortay:-

1-Xildhibaan Yoonis Maxamed Cabdiraxmaan ( Guddoomiye ).

2-Xildhibaan Cabdullaahi Mustaf Aadam ( Guddoomiye ku xigeen ).

3-Xildhibaan Suleymaan Shuceyb Cali ( Xoghaye ).

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Ahmed Mohamed Ibrahim

GUDDIGA GARSOORKA  ARRIMAHA DIINTA IYO AWQAAFTA EE GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO GUDDOON DOORT...
29/07/2026

GUDDIGA GARSOORKA ARRIMAHA DIINTA IYO AWQAAFTA EE GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO GUDDOON DOORTAY.

Baydhabo, Luulyo, 29, 2026:-Doorasho lagu qabtay Xarunta Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu doortay Guddoonka Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Golaha Wakiillada.

Guddigaan oo doorashadoodu ay ku qabsoontay hab-daah furan iyo dimuquraadi ayaa waxaa la doortay Masuuliyiinta kala ah:-

1-Xildhibaan Faa'iza Axmed Cabdullaahi ( Guddoomiye ).

2-Xildhibaan Cabdiwahaab Xasan Cabdullaahi( Guddoomiye ku xigeen ).

3-Xildhibaan Maxamed-deeq Cali Maxamuud( Xoghaye ).

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada.

Ahmed Mohamed Ibrahim

GUDDIGA MAALIYADDA, QORSHEYNTA IYO GANACSIGA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO GUDDOON DOORTAY.Bay...
27/07/2026

GUDDIGA MAALIYADDA, QORSHEYNTA IYO GANACSIGA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA OO GUDDOON DOORTAY.

Baydhabo, Luul 27, 2026:-Xarunta Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya waxaa ka qabsoomay Doorasho ay Guddoonka ku doorteen Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada.

Guddigaan ayaa muhiim u ah isla xisaabtanka, daah furnaanta hay,adaha maaliyadeed ee Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya si loo helo nidaam saxan oo ku dhisan shuruucda Dalka u degan.

Doorashadaan oo ku qabsoontay hab daah furan oo dimuquraadi ah ayaa Guddoonka waxaa noqday:-

1-Xildhibaan Cusmaan Nuur Aadan Fiile ( Guddoomiye ).

2-Xildhibaan Ibraahim Cumar Cali ( Guddoomiye ku xigeen ).

3-Xildhibaan Raxmo Abuukar Saalax ( Xoghaye ).

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada.

Ahmed Mohamed Ibrahim

Address

Baydhabo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Wakiilada-DGKGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share