Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Somaliya MSKGS

Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Somaliya MSKGS Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Somaliya MSKGS, Political organisation, KGS, Baydhabo.

09/04/2026
Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Somaliya MSKGS , ahna Musharax Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonf...
08/04/2026

Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Somaliya MSKGS , ahna Musharax Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Ibraahim Macalin Nuurow, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhulka ah kusoo gaaray Deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay.

Wafdiga musharraxa ayaa waxaa qayb ka ahaa odayaal dhaqameed, dhalinyaro, haween iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan taageerayaashiisa, kuwaas oo safarkan ku wehelinaya kulamo wadatashi iyo is-xog wareysi.

02/04/2026

Gudoomiyaha madasha samatabixibta Kgs Mudane Dribrahim Moalim Nur ayaa talo dhinacyo badan taabanaysa usoo jeediyay reer kgs.

Dr Ibraahim Macalin Nuurow Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed ahna Musharaxa Madaxweynaha Kgs ayaa Baydha...
02/04/2026

Dr Ibraahim Macalin Nuurow Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed ahna Musharaxa Madaxweynaha Kgs ayaa Baydhabo soo gaarey, waxaana si aad ah usoo dhaweeyey siyaasiyiin iyo qeybaha Kaladuwan ee Bulshada.

30/03/2026

Gudoomiyaha madasha samatabixibta Kgs Mudane Dribrahim Moalim Nur ayaa bartiisa kusoo qoray sida soosocota..

Assalamu Aleykum Dhammaan Reer Koonfurgalbeed,

Waxaan soo dhoweynayaa isbedelka ka dhacay Koonfurgalbeed, Waxaan rajeynayaa inuu noqdo is bedel noo horseeda nabad, cadaalad, midnimo iyo horumar.

Waxaan ku talinayaa in laga wada shaqeeyo amniga iyo isu soo dhoweeynta dadka Walaalaha ah, lagana fogaado caadifadda iyo wax walbo oo keeni kara isku dhac bulsho.

Amniga in lagala shaqeeyo madaxda ay quseeyso amniga. Shacabkuna ay u hogaansamaan nidaamka cusub.

Koonfurgalbeed waxay ku taameysaa dowlad loo dhanyahay oo ka shaqeeysa maslaxadda dadka iyo deegaanka, kuna timaadda doorasho loo simanyahay oo xur iyo xalaal ah.

Allaah ayaa mahad Leh.

26/03/2026

War-Saxaafadeed kasoo yeeray Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Somaliya MSKGS iyo qeebaha kala duwan bulshada reer kgs.

26/03/2026

Gudoomiyaha madasha samatabixibta Kgs ahna gudoomiyaha Xisbiga Horseed Mudane Dribrahim Moalim Nur hadalkiisa talo soojeedinta ee arimaha kasocda Kgs.

21/03/2026

Gudoomiyaha Madasha ayaa isagaoo ka hadlaya xaaladaha KGS wuxuu soo qorey sida soo socota.

Waxaa run ah oo xaqiiq ah in Koonfurgalbeed ay u baahantahay is bedel hogaan iyo nidaam dowladeed oo loo dhanyahay kana shaqeeya maslaxadda dadka iyo deegaanka.

Balse waxa socda iyo dhawaaqa yeeraya ma aha wax u hiilinaya dowlad dhiska ama wax lugu gaari karo isbedelkii ay reer KGS u baahnaayeen, taas bedelkeedana waxay u muuqataa inay keeneyso burbur dowladeed iyo colaad sokeeye sidii aan horey ba usoo aragney sanadadii 1995 tii oo lagu burburiyey dowladdii uu hogaaminaayey AUN abuukaate Hasey iyo sanaddii 2003 dii dowladdii koonfurgalbeed ee uu hogaaminaayey AUN kornel Shasti Gaduud.

Xeeladaha la Adeegsanayo, errayada lugu dhawaaqayo iyo sida ay wax u socdaan waa in laga fiirsadaa si aan dadka iyo dalka loo horseedin burbur iyo dhibaato ka weyn tan hadda heysata.

Koonfurgalbeed waxay u baahantahay isbedel reer Koonfurgalbeed ka yimid, reer Koonfurgalbeed rabitaankoodana ku dhisan.

Allaah sida toosan hanugu toosiyo. Aamiin!

Mahadsanidiin.

Eid Mubarak dhamaan umadda islamka meelwalba aad dunida ka joogtaan.
19/03/2026

Eid Mubarak dhamaan umadda islamka meelwalba aad dunida ka joogtaan.

19/03/2026

Gudoomiyaha madasha samatabixibta Kgs Mudane Dribrahim Moalim Nur wixii uu horey ugu digi jirey reer kgs ayaa hada socda.

19/03/2026
19/03/2026

Assalaamu Caleykum Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed

Allaah ayaa ku mahadsan, Soonkaan soonkiis waxaan soomey anoo ku afduuban xabsiga dhexe ee Baydhabo laakiin maanta waxaa Allaah mahadiis ah in si xur iyo farxad ah ugu soomayo magaalada Muqdisho.

Ciiddaan soo socota ciiddii ka horeysey waxaan ku ciidey xabsiga Baydhabo anoo afduuban, laakiin ciiddaan soo socota waxaan Allaah ka rajeynayaa inaan ku ciido si farxad iyo nabad ah anoo xur ah. Inshaa Allaah.

Waxaan Allaah ka baryayaa inuu dalka nabad nooga dhigo, qalbiyada muslimiinta isu dummo oo isu furo, kuwa dhibaatada iyo kala geynta ummadda ka shaqeeynayana Allaah hasoo hanuuniyo, hadeysan hanuuneyninna, si deg deg ah Allaah hanaga qabto.

Intii muslim ah oo xanuunsan Allaah ha caafiyo, abaarta iyo colaadda Allaah hanoogu bedelo caafimaad, barwaaqo (aaran), dowlad loo dhan yahay, caddaalad iyo nabad aan guurguurin.

Soonka inta dhimman aan ka faa’iideysano walaalayaal, ducada hala badiyo si guud iyo si gaar ah ba.

Muslimiinta meel walboo ay joogaan Allaah ha u gargaaro sida walaalaha Iiraan iyo Falastiin.

Ramaddaan Mubaarak!!!

Address

KGS
Baydhabo

Telephone

+252616804000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Somaliya MSKGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share