03/12/2025
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi, ayaa ka qeybgalay munaasabadda Dhaarinta Garsoorka Gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu qabtay Aqalka Madadtooyada Magaalada Baydhabo.
Munaasabaddan ayaa lagu dhaariyey masuuliyiinta cusub ee Garsoorka Gobolka, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Ahmed Ali Muusa iyo Raisul Wasaare ku xigeenkii H**e ee Dalka Mdane Abduhaab Ugaas Khaliif.
Dr. Ali Said Fiqi ayaa ku bogaadiyey Garsoorka Gobolka Shabeelaha Hoose dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta Cadaaladda, ilaalinta sharciga, iyo kor u qaadista kalsoonida Bulshada isaga oo xusay in Dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay horumarinta Garsoorka iyo dhismaha Hay’adaha muhiimka ah ee u adeega Shacabka.
ku-simaha Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta la dhaariyey in ay ugu adeegaan bulshada si hufan, kuna shaqeeyaan Caddaalad, daahfurnaan, iyo mas’uuliyad.