10/09/2026
انا لله وانا اليه راجعون
قال الله تعالي:
مِنْ أَجْلِ ذَٰلِكَ كَتَبْنَا عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنَّهُ مَن قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا ۚ وَلَقَدْ جَاءَتْهُمْ رُسُلُنَا بِالْبَيِّنَاتِ ثُمَّ إِنَّ كَثِيرًا مِّنْهُم بَعْدَ ذَٰلِكَ فِي الْأَرْضِ لَمُسْرِفُونَ
Ayadaa Qur'aanka ah wuxuu Allah inoogu cadeeyay: Hal naf oo bina'aadam ah oo si xaqdaro ah lagu dilo in ay la mid tahay ayadoo dadka oodhan la dilay. Hal naf oo bina'aadam ah oo la badbaadiyane ay la mid tahay ayadoo dadka oodhan la badbaadiyay.
Hadaba, ninkaa dhallinyarada ah ee aanada qabiil loo dilay, asagoo qiraya in uusan cidna dhibaatayn walligii. Soo iskuma qirayno in dalkeena sababta uu la xasili la'yahay ay tahay dhiigaa sida xaq-darada ah loo daadinayo, teeda kalena kuwa u dilaya aanada qabiil aan la iswarsanaynin cidda ay uga wakiilka yihiin ficilkaa foosha xun leh, cid wax ka qabanaysane aysan muuqan ilaa hadda.
Tanni waa fidno, fidnadane kuma qaas noqoto cidda suubisay kalligeed:
قال الله تعالي:
وَاتَّقُوا فِتْنَةً لَا تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْكُمْ خَاصَّةً وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقابِ
Meeshaa marka uu arrin taagan yahayne, waa halkii ay diintu nagu tiri:
قال الله تعالي:
أَلَيْسَ مِنكُمْ رَجُلٌ رَّشِيدٌ
Ugu-danbayn waa inagu waajib in na laga dhex hello koox si guud deeganada Soomaaliya iyo si gaar ahba deegaankaa ugu istaagta, ee falkaas xun ee diintu inkirtay reebta, oo wanaaga iyo khayrkane ummadda ugu yeerta, sidaa oo ay diinta ina farayso:
قال الله تعالي:
وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ