Iskuduwaha Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Hirshabelle G.Hiiraan

Iskuduwaha Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Hirshabelle G.Hiiraan News and information about Hirshabelle State's Ministry of Labor and social Affairs. We make sure peo

12 Jun maalinta kahortaga shaqaaleysiinta caruurta
12/06/2024

12 Jun maalinta kahortaga shaqaaleysiinta caruurta

Jumco Mubarak aniga gudomiye Abdullahi Sufurow
22/09/2023

Jumco Mubarak aniga gudomiye Abdullahi Sufurow

11/05/2023

Wasiirka wasaradda shaqada iyo Arimaha bulshada Dowlada Hirshabelle Mudame Mohamud Sheikh Ali Sallad oo kormeeray fatahaada wabiga shabelle uu ku sameeyay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiraan.

Wasirka ayaana bulshada kula hadlay goobaha ee ku sugan yahiin.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Hirshabeelle ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku qabtay mun...
01/05/2023

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Hirshabeelle ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku qabtay munaasabad loogu dabal degayay maalinta shaqaalaha Adduunka oo sannad kasta la xuso 1-da bisha May oo maanta ku beegan.

Munaasabadan lagu xusayay maalinta shaqaalaha Adduunka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Hirshabeelle, maamulka gobolka Hiiraan, odayaal dhaqameed, dhalinyaro iyo waxgarad.

Maalinta shaqaalaha Adduunka ayaa looga gon lee yahay in la muujiyo awooda shaqaalaha islamarkana xal loogu helo caqabadaha inta badan soo food saara shaqaalaha Adduunka, waxana xuska maalintan ay soo bilaabatay 1-dii bishii May sannadkii 1890-kii kadib markii maalinta looga dhawaaqay shirweynihii Hantiwadaaga Caalamiga ah ee sannadkii 1889-kii.

,
.

Ramadaan Wanaagsan dhamaan shacabka Soomaaliyeed
22/03/2023

Ramadaan Wanaagsan dhamaan shacabka Soomaaliyeed

Iskuduwaha Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha iyo arrimaha bulshada gobolka hiiraan Galad Maxamed Warsame ayaa shir muhiim ah...
19/01/2023

Iskuduwaha Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha iyo arrimaha bulshada gobolka hiiraan Galad Maxamed Warsame ayaa shir muhiim ah oo loogu hadlaay Social protection kaga qeybgalay magaalada muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxame...
26/11/2022

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxamed ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda xuska toddobaadka Ilaalinta Bulshada iyo sannad-guur saddexaad ee barnaamijka qaran ee caawinta Dadka nugul ee Baxnaano. Wuxuu soo dhaweeyay ka qeygalayaasha, isagoo si guud uga warbixiyay ajandaha munaasabadan.

21/11/2022

🎥Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay Siyaasadda Ilaalinta Bulshada oo Golaha wasiirrada ay ansixiyeen 2019. Siyaasaddan waxaa lagu gaaray fulinta barnaamijka Qaran ee taageerrada qoysaska nugul ee Baxnaano.

Macluumaad intaa ka badan oo la xiriira Barnaamijka Baxnaano oo qeyb ka ah Siyaasadda Ilaalinta bulshada , ka daawo muuqaalka hoose.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada oo shir uga furmay Muqdisho Muqdisho, Octob...
16/10/2022

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada oo shir uga furmay Muqdisho

Muqdisho, October, 16, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta furay shir labo maalin soconaya oo u dhaxeeya Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedka Dalka.

Kulanka oo ah midkii u horreeyay oo Wasiir Biixi uu la yeelanayo wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka ayaa looga hadlayaa qodobbo hortabin u leh Shaqada,Shaqo Abuurka , xirfadaha iyo Arrimaha Bulshada.

“Shirka maanta inoo furmay heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo heer wasiir ah, ujeeddada aan ka leennahay waa horumarinta bulshada, shaqo abuurka,xirfadaha , siyaasadaha taageeraya dhinacyada iyo mideynta qorshayaasha shaqo,iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta.”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa dhankooda soo dhaweeyay shirka , iyagoo boggaadiyay qorshaha Wasiir Biixi ee ku aaddan ka miro-dhalinta siyaasadaha iyo dedaallada taageerraya Shaqo Abuurka, xirfadaha iyo Ilaalinta Bulshada iyo in la mideeyo howlaha shaqo ee wasaaradaha.

Shirkan ayaa warmurtiyeed laga soo saari doonaa , Isniinta berri ah marka la soo gabagabeeyo, iyadoo ay ka qeybgalayaan wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle ,Mudane Maxamed Sheekh Cali Salaad iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) .

—Dhammaad—

WASAARADA SHAQAALAHA HIR-SHABELLE OO HAA'YADAHA BALADWEYNE UGU DIGTAY INEYSAN QAADANIN SHAQAALO AYSAN OGEEYN, Wasaaradda...
10/09/2022

WASAARADA SHAQAALAHA HIR-SHABELLE OO HAA'YADAHA BALADWEYNE UGU DIGTAY INEYSAN QAADANIN SHAQAALO AYSAN OGEEYN,

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Dowlad Gobolkeedka Hir-shabelle ayaa ugu Digtay Haa'yadaha Ka Shaqeyo Magaalada Baladweyne ineysan qaadanin Shaqaalo an Soo Marin Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hir-shabelle.

Iskuduwaha Wasaaradda Shaqada Gobolka Hiiraan Hir-shabelle Eng Galad Maxamed Warsame Ayaa faray Haa'yadaha ka Shaqeyo Baladweyne ineysan qaadanin Shaqaalo an Wasaaradda Soo Maraan islamarkaan Cidii Amarka Wasaarada u hogaansami Wayso aay talaabo ka qaadi Doonaan,

Warkan kasoo baxay Wasaaradda ayaa imaaneyso Xili Haa'yadaha Magaalada Baladweyne Lagu eedyay Masuq iyo Shaqo Xumo.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomalia  ayaa kulan ku saabsan Mashruuca SAGAL la qaadatay madaxda 'Cash Conso...
31/08/2022

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomalia ayaa kulan ku saabsan Mashruuca SAGAL la qaadatay madaxda 'Cash Consortium'

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradda iyo Hey'adaha ay wada shaqeynta la leedahay ee ku aaddan Hirgelinta Mashruuca SAGAL

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa waxey xuseen in kor loo qaado kaalmada dad aadka u nugul si wax looga geysto dhibaatooyinka hadda jira.

Xarunta cusub ee lagu wado in sanadka cusub 2023 lagu shaqo galo ayaa meel wanagsan mareyso Wasaaradda shaqada iyo arima...
28/08/2022

Xarunta cusub ee lagu wado in sanadka cusub 2023 lagu shaqo galo ayaa meel wanagsan mareyso Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada hirshabelle

Address

Lamagalaay Street
Balad Weyn
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iskuduwaha Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Hirshabelle G.Hiiraan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Iskuduwaha Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Hirshabelle G.Hiiraan:

Share