Maktabadda Dadwaynaha Sanaag

Maktabadda Dadwaynaha Sanaag Maktabadda Dadweynaha Sanaag.

Wargelin:Habeenka Jimcuhu soo galayo, kuna beegan 26 March 2026, marka ay saacaddu tahay 6:30pm, waxa innoo ku qabsami d...
25/03/2026

Wargelin:

Habeenka Jimcuhu soo galayo, kuna beegan 26 March 2026, marka ay saacaddu tahay 6:30pm, waxa innoo ku qabsami doona xarunta Maktabadda Dadweynaha Sanaag. Mowduuca ciwaankiisu yahay “Dhallinyarada iyo Mustaqbalka (Fursado iyo Caqabado)”
• Waxbarashadda iyo
• Shaqo la’aanta."

Mowduuca waxa inoosoo jeedin doona bare sare; Mukhtar Cabdi Axmed, xiriiriyaha kulliyadda Waxbarashadda jamacadda ummadda soomaaliyeed faraceedda PL-Badhan.

Mowduucan waxaa soo abaabulay Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Faarax Cawl, iyagoo kaashanaya Naadiga Ardayda JUS, faraceeda PL-Badhan.

Haddaba, dhammaantiin waxaan si sharaf leh idinku casuumaynaa in aad kulankaasi muhiimka ah nagala soo qayb gashaan, aynuna ka wada faa’iidaysanno.

.
.
,Sanaag.

Sabti 27 Dec 2025.Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, faraceeda PL–Badhan, iyo xubno ka tirsan...
27/12/2025

Sabti 27 Dec 2025.

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, faraceeda PL–Badhan, iyo xubno ka tirsan Naadiga ardayda ayaa xalay kulan isbarasho, soo-dhaweyn iyo hogga-tusaaleyn ah kula qaatay Maktabadda Dadweynaha Sanaag Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Faarax Cawl.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya naadiyada, kor u qaadista dhaqanka akhriska, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka dhallinyarada.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee kulanka lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa:

1. Dardaaran iyo talooyin ku saabsan sidii naadiga cusub u horumarin lahaa xirfadaha akhriska, qoraalka, iyo fekerka naqdiga ah ee ardayda.

2. Sii wadidda iyo kobcinta barnaamijyadii wacyigelinta, aqoonta, iyo akhriska ee h**e uga socday Maktabadda Dadweynaha Sanaag.

3. Hirgelinta hal-abuur cusub, sida kulammo akhris, dood cilmiyeedyo, iyo bandhigyo aqooneed oo maktabadda iyo bulshada si dhow isugu xira.

4. Xoojinta iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya jaamacadda, maktabadda, iyo naadiyada akhriska si loo helo horumar waara.

5. Dhiirrigelinta dhallinyarada inay kaalin firfircoon ka qaataan horumarinta aqoonta, cilmi-baarista, iyo adeegga bulshada.

Ugu dambayn, kulanka waxaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo ballanqaad ah in la sii xoojiyo wada-shaqeynta, lana abuuro barnaamijyo wax ku ool ah oo kor u qaada aqoonta, wacyiga, iyo midnimada bulshada.

Ujeeddo: Aasaaska Naadi Akhris iyo Qoraal.  Waxaan halkan si rasmi ah idiinku wargelinaynaa in la aasaasay Naadi Akhris ...
22/12/2025

Ujeeddo: Aasaaska Naadi Akhris iyo Qoraal.

Waxaan halkan si rasmi ah idiinku wargelinaynaa in la aasaasay Naadi Akhris iyo qoraal cusub oo loogu magac daray Qoraageeni weynaa Faarax Cawl Naadigan waxaa loo aasaasay sidii uu qayb uga noqon lahaa kor u qaadista akhriska, kobcinta aqoonta, iyo xubnuhu inay yeeshaan dhaqan akhris joogto ah.

Naadigu waxa uu qaban doonaa hawlo ay ka mid yihiin:

- Akhrinta buugaag kala duwan.
- Falanqaynta iyo dood-wadaagga buugaagta.
- Horumarinta xirfadaha fikirka iyo isgaarsiinta.
- Abaabulka kulamo aqooneed iyo tartammo akhris.
-isku xirka maktabadda iyo dadweynaha.

Wargalin :.   Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan ardayda ku biireysa Jaamacaddaha iyo bulshadaba in Habeenka Sabtida soo g...
23/09/2025

Wargalin :.

Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan ardayda ku biireysa Jaamacaddaha iyo bulshadaba in Habeenka Sabtida soo galayso taariikhdu tahay 26/09/2025, lagu qaban doono Maktabadda Dadweynaha ee Badhan madal muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:

📌 Doorashada Wadadda Jaamacadda

Madalkaan wuxuu ku saabsan yahay:
1️⃣ Sidee loo doortaa takhasuska kugu habboon?
2️⃣ Talooyin iyo hage ku saabsan mustaqbalkaaga waxbarasho.
3️⃣ Safarkaaga jaamacadeed halka uu ka bilaabmayo.

🗣️ Martida Madasha

Ustaad Maxamuud Sanaaji

Xil/Ustaad Mukhtaar Abdi

⏰ Saacadda: Bacdal Maqrib (6:30 PM)
📍 Goobta: Maktabadda Dadweynaha – Badhan

Waxaa qabanaya: Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed PL-Badhan

⚡ Fursad aan la seegin! Kaalay oo ka faa’iidayso madal ku hageysa jihada mustaqbalkaaga jaamacadeed.

 Taariikh: 21/08/2025Maalinta 1aad ee Tababarka Awoodsiinta Barayaasha Iskuulada iyo Macaahidda Degmada BadhanTababarkan...
22/08/2025



Taariikh: 21/08/2025

Maalinta 1aad ee Tababarka Awoodsiinta Barayaasha Iskuulada iyo Macaahidda Degmada Badhan

Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyey Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Faraca Puntland – Badhan) iyo Bahda Maktabadda Dadweynaha Sanaag.

Waxaa ka qaybgalay:

• Barayaasha iskuulada iyo macaahidda degmada Badhan
• Qaar ka mid ah maamulayaasha iskuulada
• Qaar ka mid ah hawlwadeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Faraca Puntland).

Tababarka waxaa casharro iyo hagid ka bixiyey:

Bare Sare Xasan Aw Cali iyo Bare/xildh; Mukhtaar Cabdi Axmed – ahna Xiriiriyaha Kulliyadda Waxbarashada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Faraca Puntland).

📍Maktabadda Dadweynaha Sanaag.

WARGELIN 📢 Waxaa lagu qabanayaa Tababar loo qorsheeyay Macallimiinta Iskuullada Hoose, Dhexe, Sare ee magaalada Badhan i...
20/08/2025

WARGELIN 📢

Waxaa lagu qabanayaa Tababar loo qorsheeyay Macallimiinta Iskuullada Hoose, Dhexe, Sare ee magaalada Badhan iyo Macaahidda.

Ciwaanka Tababarka:
Awood Siinta Barayaasha Maanta.

Qodobada Tababarka:

1. Hababka Dhigaalka Casriga ah
2. Qorshaynta Casharka
3. Falsafadaha Waxbarashada iyo Qiimaynta
4. Maamulidda Fasalka

Goorta iyo Goobta:
🗓️ 21/8/2025 – 22/8/2025
🕓 4:00 Galabnimo
🏛️ Maktabadda Dadweynaha Sanaag

Dhammaan Barayaasha: ka-qaybgalkiinu waa mid noo muhiim ah.

Mahadsanidiin.

Xalay Maktabadda Dadweynaha SanaagWaxaa noogu qabsoomay kulan aqooneed ku saabsanaa:"Sidee Isku Filnaansho Dhaqaale loo ...
02/08/2025

Xalay Maktabadda Dadweynaha Sanaag
Waxaa noogu qabsoomay kulan aqooneed ku saabsanaa:
"Sidee Isku Filnaansho Dhaqaale loo Gaaraa?"

Waxaa kulankaasi si qoto dheer oo fahan badan laga qaadan karayey noogu soojeediyay Dr. Abdirisaaq Osmaan Ali, oo si xeel dheer uga hadlay qodobbada muhiimka u ah dhisidda awood dhaqaale ee shaqsiga.

Madasha waxaa ka muuqday dareen barasho iyo is-waydiin furan, taasoo caddeyneysa baahida bulshada u qabto aqoon kororsi.

Waxaan u mahad celineeynaa soojeediyo Dr. Abdirisaaq iyo dhammaan kasoo qeybgalayaashii kulankaasi. waxaa inoo jiridoona kulama kale oo aqoon koroorsi, oo maktabadda dadweynaha sanaag inoo ka bixi doona idam Eebbe.

Goobta; Maktabadda Dadweynaha Sanaag.

MAWDUUC: SIDEE  ISKU FILNAANSHO DHAQAALE LOO GAARAA? Ma la yaabtay sida dad badani u gaaraan isku filnaansho dhaqaale ha...
30/07/2025

MAWDUUC: SIDEE ISKU FILNAANSHO DHAQAALE LOO GAARAA?

Ma la yaabtay sida dad badani u gaaraan isku filnaansho dhaqaale halka qaar kalena ay la tacaalaan baahi joogto ah? Waa su’aal muhiim ah oo quseysa qof kasta oo doonaya nolol deggan iyo mustaqbal ifaya.

Kulan wacyigelin iyo faham kororsi ah ayaa lagu soo bandhigi doonaa maktabadda dadweynaha ee gobolka Sanaag, kaas oo uu jeedin doono Dr. Abdirisaaq Osmaan Ali. Waxa uu si xeel dheer u iftiimin doonaa:

• Maxay tahay isku filnaansho dhaqaale?
• Maxaa caqabad ku ah heliddeeda?
• Tallaabooyin la taaban karo oo qof walba qaadi karo.
• Doorka qorsheynta, kaydka, iyo fikradaha ganacsi ee yar-yar.

Hadaba ha seegin fursadan qaali ah ee kugu dhiirrigelin doonta inaad xakameyso noloshaada dhaqaale. Ka soo qaybgal si aad u hesho aragtiyo cusub iyo dhiirigelin wax ku ool ah!

GOOBTA: Maktabadda Dadweynaha Sanaag
TAARIIKHDA: Jimce, 01-da Agoosto 2025
WAKHTIGA: 06:00 fiidnimo

 :Waxaa maktabadda dadwaynaha Sanaag ka qabsoomi doona cawayskan oo lagu gorfaynayo ciwaanka ah:1. Kaalinta Samafaluhu K...
16/07/2025

:

Waxaa maktabadda dadwaynaha Sanaag ka qabsoomi doona cawayskan oo lagu gorfaynayo ciwaanka ah:
1. Kaalinta Samafaluhu Ku Leeyahay Bulshadda.

Kulanka waxaa ino sojedinaaya haldoor Aqoonyahay Mr: Maxamed Axmed Cali " Engineer African "

Goobta; maktabadda dadweynaha sanaag.
Tarkh; friday 18 july 2025
Goorta; 7:00pm

Waxaa Maktabadda Dadweynaha ee Sanaag ka qabsoomay caways aqooneed muhiim ah, kaasi oo lagu gorfeynayay mowduucyo dhaxal...
15/07/2025

Waxaa Maktabadda Dadweynaha ee Sanaag ka qabsoomay caways aqooneed muhiim ah, kaasi oo lagu gorfeynayay mowduucyo dhaxal-gal ah oo ay ka mid yihiin:
• Waa maxay akhris, maxayse tahay muhiimadiisu?
• Sidee bay tiknoolajiyaddu u saamaysay dhaqanka akhriska?
• Maxaa laga yidhi akhriska?
Mawduucyadan kala duwan waxa si qoto dheer u soo jeediyay haldoorka kala ah:
• Sh. Cabdicasiis Siciid Xasan
• Xildhibaan/Bare Mukhtaar Cabdi Axmed
• Prof. Siciid Axmed Taajir

Waxaa sidoo kale marti sharaf ku ahaa bulshada qaybaheeda kala duwan oo si weyn uga qaybqaatay madasha.

Ku xidhnow Maktabadda Dadweynaha Sanaag si aad u kobciso ogaalkaaga iyo aqoontaada.

Mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatay.

WargalinBahda Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed waxay ogeysiinayaan dhamman dhalinyarada iyo bulsha waynta ...
04/07/2025

Wargalin

Bahda Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed waxay ogeysiinayaan dhamman dhalinyarada iyo bulsha waynta degmada Badhan in ay ku casumayaan madal aqooneedkan oo habeen danbe inooga qabsoomi doonta Maktabadda Dadwaynaha Sanaag.

Madasha waxaa marti inoo ku ah:

1. Prof. Siciid Axmed Taajir oo ku qoran Sidee Bay Tiknoolajiyaddu u Saamaysay Dhaqanka Akhriska.
2. Sh. Cabdicasiis Siciid Xasan oo ku qoran Waa Maxay Akhris Waa Maxayse Muhiimaddiisu.
3. Xildhibaan Mukhtaar Cabdi Axmed oo ku qoran Maxaa Laga Yidhi Akhriska.


📍

Bahda Maktabadda Dadweynaha Sanaag iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Puntland, waxa ay u mahadcelinayaan shi...
04/07/2025

Bahda Maktabadda Dadweynaha Sanaag iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Puntland, waxa ay u mahadcelinayaan shirkadda Madar iyo maamuleheeda guud, mudane Bashiir Cabdiraxmaan Ducaale, oo maktabadda ugu deeqay nuqullo ka mid ah buugga Xeebi Waa Dahab.

Address

Geeldoora, Sanaag
Badhan

Telephone

+252905438738

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maktabadda Dadwaynaha Sanaag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maktabadda Dadwaynaha Sanaag:

Share

Category