22/07/2025
Afmadow 22, July. 2025 -
Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Afmadow, Mudane Dalmar Caagane Shafat, oo ay weheliyaan Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada, Maxamed Xalane Bashiir, ayaa maanta daah-furay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayo caawinta iyo badqabka dadka nugul ee ay saameeyeen abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.
Tababarkan oo ah mid kor loogu qaadayo wacyiga bulshada, isla markaana lagu xoojinayo fahamka ku aaddan u adeegidda dadka danyarta ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay, Maamulka Degmada, Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, dhalinyarada Haweenka iyo Wakiillo ka socday hay’adaha IOM, NRC iyo USAID.
Ujeeddada barnaamijkan ayaa ah in la dhiso xiriir iskaashi oo adag oo ka dhexeeya bulshada deegaanka iyo hay’adaha ka howlgala, si loo fududeeyo in si hufan loogu gurmado dadka nugul, loona xaqiijiyo in ay helaan adeegyada aasaasiga ah sida, Biyo nadiif ah, Cunto, Hoy ku meel gaar ah, Iyo taageero caafimaad.
Mashruucan oo ay iska kaashanayaan hay’adaha IOM, NRC iyo USAID, waxa uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu yareynayo saboolnimada iyo gaajada, iyadoo xoogga la saarayo sidii bulshada inteeda nugul u heli lahayd nolol waarta iyo fursado horumarineed.
Intii lagu guda jiray furitaanka, mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u bogaadiyey dadaallada socda, iyagoo tilmaamay in tababarkani yahay mid fure u ah wax ka qabashada xaaladaha adag ee ay la daalaa dhacayaan dadka danyarta ah ee ku nool degmada.
Guddoomiye ku-xigeenka Dalmar Caagane Shafat ayaa sheegay in maamulka degmada Afmadow uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha fulinaya mashruuca si loo xaqiijiyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada lagama maarmaanka u ah badbaado iyo horumar.