Reconciliation Director Galmudug State Of Somalia

Reconciliation Director Galmudug State Of Somalia Waa pageka rasmiga ah ee xafiiska dib u heshisinta galmudug , laguna so bandhigo wax qabadka iyo wacyigalinta la xiriirta arimaha dib u heshisinta galmudug

26/01/2018

Galmudug waxay ku guuleysatay dib u heshiisin muhiim u ah koboca iyo horumarka Dowlad goboleedka galmudug.

Waxaa sharaf iyo bogaadin mudan madaxweynaha galmudug mudane axmad ducaale geele Xaaf , madaxweyne ku xigeenka maxamed xaashi cabdi carabeey , Gudoonka baarlamaanka Galmudug Iyo Madaxa xukuumada Galmudug Mudane Dr Sh Shaakir cali xasan ,,, Madaxweyne farmaajo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay

Dib u heshiisiintu waa furaha nabada , nabaduna waa furaha nolosha ...

Guuul iyo Gobanimo in sha allaah

Wasaarada dastuurka iyo Dib u heshiisiinta galmudug waxay dhiiri galinaysaa dadaalada ay muujinayaan dhalinyarada, arday...
06/10/2017

Wasaarada dastuurka iyo Dib u heshiisiinta galmudug waxay dhiiri galinaysaa dadaalada ay muujinayaan dhalinyarada, ardayda iyo aqoonyahana gobolka mudug gaar ahaan bulshada ree gaalkacyo oo ku aadan arimaha dib u heshiisinta iyo nabad kuwada noolaashiyaha dad weynaha ree gaalkacyo.

Wasaaradu waxay ku bogaadinaysa ardayda iyo dhalinyarada ree gaalkacyo inaysan ka daalin howsha muhimka ah oo ay bilaabeen ayna fahmaan in mustaqbalkooda iyo horumarkooda ay ku xirantahay howlaha nabadeed, dib u heshiisin, xasilooni iyo wada noolasho oo ay hadda ka wadaan degmada gaalkacyo.

Dhankeena , wasaarada dastuurka iyo dib u heshiisinta galmudug waxay si gooni ah ula shaqeyneysaa hiil iyo hoona la garab is taageysaa howlaha aad wadaan, waxaana u aqoonsanahay guul taariikhi ah oo baal dahabi ah ka gali doonto horumarka iyo wadajirka bulshada walalaha ah ee ree mudug.

Wabillahi towfiiq

Nabad iyo caano allaha na siiyo.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisinta galmudug oo maanta kulan la qaatay madaxda interpeace u joogta soomalia.Waxaa l...
20/09/2017

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisinta galmudug oo maanta kulan la qaatay madaxda interpeace u joogta soomalia.
Waxaa lagu balamay in la iska kaashado dhameystirka arinta gaalkacyo.

Marmarka qaar in la kulmo oo la falaqeeyo qaabka ugu wanaagsan ee loo xalin karo khilaaf soo kala dhexgalay bulsho walaa...
14/09/2017

Marmarka qaar in la kulmo oo la falaqeeyo qaabka ugu wanaagsan ee loo xalin karo khilaaf soo kala dhexgalay bulsho walaala ah oo wada dagan waxaad mooda in ay tahay arin aan laga maarmin.

Heshiisiintu waa arin bulshada horumar u ah una wanaagsan diin ahaana ajir laga helaayo sida ay sheegeyso aayada quraanka ah lagana soo wariyay axaadiista.

Deeganada galmudug waxaan jecelnahay in ay ka hana qaado dib u heshiisin waarta waxaana ku bixi doona waqti, dadaal iyo deeq intaba.

Ilaahow guulee dib u heshiisinta , bulshadana walaalnimadooda fahansii

Nabada Magaalada gaalkacyo:Dib u heshiisinta waxaa isla qaatay si wada jir ah Madaxweyne ku xigeenada labada dowlad gobo...
09/09/2017

Nabada Magaalada gaalkacyo:
Dib u heshiisinta waxaa isla qaatay si wada jir ah
Madaxweyne ku xigeenada labada dowlad goboleed
Madaxda gobolka mudug labada dowlad goboleed
Madaxda dhaqanka labada bulsho oo wada daga.

Waa guul la taaban karo , waxaan ku dadaali doona in aan sii wadno sii laba jibaarno in sha allaah

Dib u heshiisinta maalmahan nooga socotay magaalada gaalkacyo , anaga oo wakiil ka ah shacabka ree galmudug iyo walalahe...
08/09/2017

Dib u heshiisinta maalmahan nooga socotay magaalada gaalkacyo , anaga oo wakiil ka ah shacabka ree galmudug iyo walalaheen puntland waxaan dhihi karnaa waa dib u heshiisin guuleysatay, waxaana fhankeena balan qaadeynaa in aan dhowrno fulinta qodobada lagu heshiiyay.

Xafiiska Agaasinka dib u heshiisinta Galmudug ... Cadado

Dib u heshiisiintu galmudug waxay muhiim ugu tahay si saa'id ah, maxaa yeelay waxaa halkaan wada daga qabaa'ilo waalala ...
17/08/2017

Dib u heshiisiintu galmudug waxay muhiim ugu tahay si saa'id ah, maxaa yeelay waxaa halkaan wada daga qabaa'ilo waalala ah aadna ay colaado u dhexmareen xiliyadii burburka.

Waxay u baahantahay dadaal dheeri ah , iyo halgan adag si loo gaaro halka la higsanayo oo ah dadka wada daga oo si nabad ah kuwada nool.

Mudane: Cismaan Cali Maxamed
Wasiirka dastuurka & dib u heshiisiinta galmudug

Address

Adado

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Reconciliation Director Galmudug State Of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share