18/08/2026
WARGELIN MUHIIM AH! 🇸🇴🇳🇴
Waxaa lagu wargelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway in Safaaradda Soomaaliya ee Sweden (Qaybta Qunsuliyadda) ay imaanayso magaalada Oslo si ay ugu adeegto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas deggan. Tani waa qayb ka mid ah gudashada waajibaadka safaaraddu ka saaran tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
ADEEGYADA LA BIXINAYO
🛂 Sameynta & Cusboonaysiinta Baasaboorada
✍️ Qorista Wakaaladaha
📜 Qorista Warqadda Caddeynta Dhalashada / Soomaalinimada
📅 Taariikhda: 5- 6 September 2026
🕚 Saacadaha Shaqada: 10:00 AM – 4:00 PM
☎️ Nagala Soo Xiriir: +46722307404
⚠️ Fiiro Gaar ah:
Muwaadiniinta doonaya adeegyada Qunsuliyadda waa in ay ballan ka qabsadan link
https://somaliembassy.se/appointment.php