Hassan,Abdikadir,Mudey

Hassan,Abdikadir,Mudey Wakiilka Xisbiga Nabadda Iyo Hurumarka Ee Qaaradda Yurub

Ergooyinkii saxiixay shirka Jubbooyinka ee Muqdisho ka dhacay.
06/11/2013

Ergooyinkii saxiixay shirka Jubbooyinka ee Muqdisho ka dhacay.

الرئيس حسن شيخ محمود حفظه الله.
03/11/2013

الرئيس حسن شيخ محمود حفظه الله.

Wariye Xudeyfi iyo Hassan,Abdikadir,Mudey waraysi Xiiso badan.
20/10/2013

Wariye Xudeyfi iyo Hassan,Abdikadir,Mudey waraysi Xiiso badan.

20/10/2013

Qarax u joooog,,, Qabiil u joog,,,, Qiil u joog,,, Qasaaro u joog,,, Qaxar u joog,,, Quus u joog,,, Qaran dumis u joog,,, Qalqaalo u joog,,, iyo Qurun u joog,,, Allahayow intaas oo wada Q ah dadkeenii qaribay ee naga qabo adaan lagaa quusan abide...... Aamiin....

Alfanaan Maxmed Xasan Xuseen Lafoole iyo Hassan,Abdikadir,Mudey  Sawir taariikhi ah Safarkiisii shaqo ee uu ugu anba bax...
19/10/2013

Alfanaan Maxmed Xasan Xuseen Lafoole iyo Hassan,Abdikadir,Mudey Sawir taariikhi ah Safarkiisii shaqo ee uu ugu anba baxay in uu wax la qaybsado Bulshada ku dhaqan Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho.

Maxmed Cumar Waayeel ,Ibraahin Qalinle, Hassan Mudey. Kulamadii iigu Xiisaha Badnaa Malmahaan Ee ka dhaca Dalka Swedan.
18/10/2013

Maxmed Cumar Waayeel ,Ibraahin Qalinle, Hassan Mudey. Kulamadii iigu Xiisaha Badnaa Malmahaan Ee ka dhaca Dalka Swedan.

Ciid wanagsan dhamaan Asxaabtayda qaaliga ah Ciidan waxaan ku ciidaystay Waddanka Norwey Magaaladiisa Oslo oo aaan Mudoo...
15/10/2013

Ciid wanagsan dhamaan Asxaabtayda qaaliga ah Ciidan waxaan ku ciidaystay Waddanka Norwey Magaaladiisa Oslo oo aaan Mudooyinkan shaaqo Ugu maqnaa ....

Aabihii Umaddooow Allaha Ku dhoowro
14/10/2013

Aabihii Umaddooow Allaha Ku dhoowro

Asxaatii xisbigayga waraysigii ay i waraysanyeen kadib Qosol iyo Farxad ku idlaaday.
08/08/2013

Asxaatii xisbigayga waraysigii ay i waraysanyeen kadib Qosol iyo Farxad ku idlaaday.

Kulankii taariikhiga ahaa sxbkeey Madaxweynahayga  Alsayid Xasan Sheeq Maxamuud
08/08/2013

Kulankii taariikhiga ahaa sxbkeey Madaxweynahayga Alsayid Xasan Sheeq Maxamuud

23/01/2013

ARAGTIDA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) WAA:

IN LA DHISO BULSHO KA MADAX BANNAAN QABYAALAD, CABSI IYO COLAAD KA ALOOSANTA DHEXDEEDA AMA UGA TIMAADA DARISKA IYO CAALAMKA INTIISA KALE, KUNA NAALOOTA NABAD, AMNI IYO CADDAALAD SABABTA HORUMAR DHAN KASTA AH.

FARIINTA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) WAA:

IN LA DHISO DOWLAD SOOMAALIYEED OO MADANI AH, ILAALISA MABAAD’IDA AASAASIGA AH EE UMMADDA ISLA MARKAASNA XAQIIJISA IN DADKA IYO DALKUBA HELAAN AMNI LA ISKU HALLEYN KARO IYO MAAMUL HUFAN OO KA DHOWRSAN MUSUQMAASUQ, CADALAD DARRI IYO KU TAGRIFALKA AWOODA DOWLADNIMADA, GAARSIINAYANA SHACABKA ADEEGYADA BULSHO EE MUHIIMKA AH.

MABAADI’DA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP):

1) Diinta Islaamka waa SALDHIGGA HABNOLOLEEDKA shacabka soomaaliyeed lamana Xeeri karo qawaaniin ka soo horjeedda.

2) Hirgalinta ISBADDAL SIYAASADEED oo ku dhisan NABAD, horumar iyo caddaalad ku saleysan SARREYNTA SHARCIGA.

3) Ilaalinta MIDNIMADA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED.

4) Lahaanshaha gaarka ah iyo suuqa xorta ah waa asaaska dhaqaalaha dalka.

5) Xorriyadda qofka, madax bannaanida ra’yiga iyo dhiirrigelinta wadatashiga waxay lafdhabar u yihiin horumarka siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada waana asaaska bulsho ka madax bannaan cabsi iyo cabburin.

6) Iskaashiga caalamka iyo dariswanaagga waa asaaska siyaasadda dibadda Soomaaliyada cusub.

7) Dowladnimo hufan oo muwaadiniintu la xisaabtami karaan.

UJEEDOOYINKA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) WAA IN LA:

1) Dhiso maamul dowladadeed oo ka hana qaada dhamaan Soomaaliya, soona celiya midnimadii qaranka, kala danbeyntii, sharcigii, iskaashigii iyo walaaltinimadii Shacabka soomaaliyeed.

2) Siiyo muhimadda kowaad dib u dhiska nabadda iyo dib u heshiisiinta siyaasadda iyo bulshada guud ahaan.

3) Dhowraa xuquuqda muwaaddinka soomaaliyeed, sida diintiisa, noloshiisa, Sharaftiisa, maalkiisa, iyo caqligiisa si loo helo muwaadin guta waajibaadkiisa qaran.

4) Xoojiyaa lana dhiirigeliyaa baahinta dhaqanka nabadda, wadatashiga, maamul wanaagga, u hoggaansanka sharciga, Madaxbannaanida garsoorka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo kutagrifalidda awoodaha dowladnimadda.

5) Helo in dastuur joogto ah oo waafaqsan Shareecada Islaamka isla markaasna xaqiijinaya nidaamka Xisbiyada badan si talada dalka loola kala wareego si nabad ah.

6) Dhiirrigeliyo kobcinta dhaqaalaha, lana xaqiijiyo cadaalad ku qeybsiga kheyraadka dalka.

7) Horumariyo waxbarashada, cilmi baarista, hiddaha iyo dhaqanka, daryeelka caafimaadka, iyo ilaalinta deegaanka.

8) Horumariyo Haweenka, Dhallinyarada iyo Dhallaanka, lana daryeelo qoyska, agoonta iyo naafada.

9) Xoojiyo lana horumariyo xiriirka wadamada caalamka, ururrada caalamiga ah iyo Urur goboleedyada si loogu wada noolaado, nabad iyo iskaashi.

10) Dhiirrigeliyo ka qeybgalka qurbajoogta Soomaaliyeed arrimaha horumarinta siyaasadda, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, lagana taageeraa ilaalinta dhaqanka sida horumarinta barashada afka ee dhallaanka.

Adresse

Oslo

Varslinger

Vær den første som vet og la oss sende deg en e-post når Hassan,Abdikadir,Mudey legger inn nyheter og kampanjer. Din e-postadresse vil ikke bli brukt til noe annet formål, og du kan når som helst melde deg av.

Del