24/11/2025
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia, Danjire Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf) ayaa 10:30 subaxnimo, 21 November 2025, ku qaabilay Xarunta Safaaradda wafdi heer sare ah oo ka socday
Guddi qaabilsan Daryeelka Caafimaadka
Dalxiisayaasha Malaysia(MHTC) oo hoos taga Wasaaradda Caafimaadka Malaysia.
Wafdiga oo ka koobnaa shan xubnood waxaa hoggaaminayay, Mudane Suriaghandi Suppiah, Agaasimha Guud (CEO) ee Hay’adda.
Booqashadoodu waxay diiradda ku saarneyd xoojinta iskaashiga caafimaadka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Malaysia, gaar ahaan dhinacyada:
1. Adeegyada caafimaad ee casriga ah Health Tourism-ka, oo Malaysia caan ku tahay
2. Fursadaha lagu hormarin ISKAASHIGA labada dal si adeegyada caafimaadka Soomaaliya
3. Hagaajinta xiriirka tooska ah ee hay’adaha caafimaadka ee labada dal
Intii kulanka lagu guda jiray, labada dhinac waxay yeesheen wadahadal qoto dheer oo ku saabsan:
1. Sidii loo abuuri lahaa iskaashi joogto ah
2. In la gaaro heshiisyo wax ku ool ah oo ku saabsan caafimaadka
3. In safaaraddu door fir-fircoon ka qaadato isku xirka hay'adaha caafimaadka Malaysia iyo kuwa Soomaaliya
4. In kulamo dheeri ah la qorsheeyo si loo sii xoojiyo wada-shaqeynta mustaqbalka dhow.
Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in la dardargeliyo xiriirka u dhexeeya
Safaaradda iyo MHTC si loo kobciyo fursadaha caafimaad ee ay dadweynaha Soomaaliyeed ka heli karaan Malaysia, iyo in Mustaqbalka dhow la abuuro barnaamijyo tababar oo u gaar ah xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed.
Danjire Cali Mohamed Abukar ayaa wafdiga ku bogaadiyey shaqada qiimaha badan ee ay MHTC u hayaan kobcinta adeegyada caafimaadka Malaysia, isaga oo ballanqaaday in Safaaraddu sii xoojin doonto xiriirka hay’adda iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya si loo hirgeliyo iskaashi waxtar leh.
Dhanka Safaaradda, Danjiraha kulanka waxaa ku weheliyey:
Mudane. Cabdidhaahir Cabdiraxmaan Cabdi, Ku-xigeenka Safiirka
Dr. Deka Mohamed Isse, Ku-xigeenka 2aad
Mudane. Ilyas Adan Muktar, Xoghayaha 1aad (Arrimaha Siyaasadda)
WA BILLAAHI TOWFIIQ