15/05/2026
Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan munaasabadda qiimaha leh ee xuska Somali Youth League (SYL).
Maalintan muhiimka ah waxay astaan u tahay halgankii, geesinimadii, iyo midnimadii ay muujiyeen dhalinyaradii SYL, kuwaas oo horseed u noqday xorriyadda iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed. Waa maalin lagu xusuusto kaalinta ay dhalinyaradu ku leeyihiin dhismaha iyo horumarka dalka.