11/06/2026
Waxaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Nairobi Agaasimaha Ciidanka Kaydka Bariga Afrika (Eastern Africa Standby Force - EASF) iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Danjiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Ee Dalka Kenya Mudane Danjire Jabriil ibraahim Cabdulle iyo diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay wafdiga xarunta Safaarada, kulanka ayaa lagu gorfeeyay arrimo la xiriira iskaashiga gobolka, Amniga iyo xoojinta wada shaqeynta Dalalka Bariga Afrika.
Danjire Jabriil ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la helo ciidan si heer sare ah u tababaran oo ka kooban Booliis iyo Military, kuwaas oo awood u leh ka hortagga khilaafaadka, ilaalinta nabadda, iyo ka qeyb qaadashada gurmadka bani’aadannimo. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhinacyada Amniga iyo Tababarada gaar ahaan taageerada la xiriirta horumarinta Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya.
Kulanka waxaa Danjire Jabriil ku wehliyay U Qeyb-sanaha Arrimaha Difaaca Safaaradda Soomaaliya Col. Mohamed Somali iyo Counselor Cli Khadar.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo wada-shaqeyn muujinaysa xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha gobolka.