Marka - Kaytoy Agriculture Secondary School

Marka - Kaytoy Agriculture Secondary School This is the official page for Marka-Kaytoy Agriculture Secondary School.

21/04/2026
Dugsiga sare beeraha ee Marka waxaa si toosa uga bilowday howlaha qiimeynta baraatikada ardada galaysa imtixaanka finalk...
21/04/2026

Dugsiga sare beeraha ee Marka waxaa si toosa uga bilowday howlaha qiimeynta baraatikada ardada galaysa imtixaanka finalka ee sanad Dugsiyeedkii 2025/2026. Ujeedada howlaha baraatikada waa in la qiimeeyo aqoonta iyo xirfadaha beereed ee ardayga taasoo ku saabsan:

1. Diyaarinta Dhulka
2. Beerista dalagga iyo
3. Maaraynta koritaanka dalagga.

Hadaba ardayga 30% dhibcaha imtixaankiisa wuxuu ka helayaa practical assessment from land preparation up to harvesting time.

Good luck 🤞

Waxaa maanta taariikhdu tahay 06/04/2026 lagu soo bandhigay dugsiga sare beeraha ee Marka howlo baraatika qaar ka mid ah...
06/04/2026

Waxaa maanta taariikhdu tahay 06/04/2026 lagu soo bandhigay dugsiga sare beeraha ee Marka howlo baraatika qaar ka mid ah ardada fasalada F1 iyo F2. Howlaha baraatikada ee lagu soo bandhigay beerta tijaabada Iskuulka isla markaana ardada si weyn uga faideysteen ayaa waxaa ka mid ahaa:

Sweet potato planting,
Spacing control,
Irrigation and
field hygiene.

Ardada waxaa ka muuqday dareen hawlkarnimo iyo firfircooni ayagoo step by step ula socday sharaxaadda macalinka.

Maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare beeraha ee Marka waxay dhammaan umadda muslimiinta gaar ahaan soomalida ugu hamba...
19/03/2026

Maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare beeraha ee Marka waxay dhammaan umadda muslimiinta gaar ahaan soomalida ugu hambalyeeynayaan meel waliba ay caalamka ka joogaan munaasabada ciida fitriga. Wuxuu maamulka Allah uga baryey in uu ka aqbalo dhammaan Muslimiinta Soonkii, Salaaddii, Sadaqadii iyo guud ahaan cibaadooyinkii ay gudanayeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Sidoo kale, wuxuu Alle uga rajeeyay in uu sanadkan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.

**Ciid Mubaarak!**

Maanta waxaa Paratiko dhanka maadada Technology loogu faa'iideeyay Ardayda  fasalka form one . Ardayda ayaa si wanagsan ...
25/02/2026

Maanta waxaa Paratiko dhanka maadada Technology loogu faa'iideeyay Ardayda fasalka form one . Ardayda ayaa si wanagsan ugu faa'iideystay sharaxaada iyo tijaabooyinkii kala du duwanaa ee fasalka lagu soo bandhigay.

05/02/2026

Qaar ka mida hadal jeedinta madaxdii iyo masuuliyiintii ka soo qeybgashey xafladii lagu sagootinaayey ardada minxada waxbarashada ka heshay dalka Ethiopia, taasoo lagu qabtay xarunta dugsiga Sare Beeraha ee Marka taariikhdu Marka ay ahayd 15/01/2026.

Maamulka iyo Maclimiinta Dugsiga Sare Beeraha Marka waxey hamblyo iyo bogaadin ay  udirayaan dhammaan  Ardayda Dugsiga s...
01/02/2026

Maamulka iyo Maclimiinta Dugsiga Sare Beeraha Marka waxey hamblyo iyo bogaadin ay udirayaan dhammaan Ardayda Dugsiga sare beeraha marka ee ka soo gudbay imtixaanka dhexe ee sanad dugsiyeedka 2025_2026 ,waxey si gaar ah ay ugu hambalyeenayan ardayda kaalimaha h**e galay.

Hamblyo Hamblyo Hamblyo Hamblyo

Asc, Ugu dambeyn waxaa si nabdoon ku safar tagay ardada dugsiga sare beeraha shalay ka ambabaxday Aadan Cade internation...
29/01/2026

Asc, Ugu dambeyn waxaa si nabdoon ku safar tagay ardada dugsiga sare beeraha shalay ka ambabaxday Aadan Cade international airport Muqdishu kuna socday Adis-Ethiopia. Alx.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26/01/2026 Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha lyo Tacliinta Sare  ee Soomaaliya ayaa munaasab...
26/01/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26/01/2026 Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha lyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa munaasabad sagootin ah u sameeyay ardayda Dugsiga Sare Beeraha Marka oo deeq waxbrasho ah ka helay dalka Ethiopia.

DUGSIGA SARE  BEERAHA MARKA   wuxuu  xaflad sagootin ah uu u sameeyey maalinimadii khamiista taariikhduna ahayd 15/01/20...
17/01/2026

DUGSIGA SARE BEERAHA MARKA wuxuu xaflad sagootin ah uu u sameeyey maalinimadii khamiista taariikhduna ahayd 15/01/2025 ardayda kaalimaha ugu h**eeya ka galay imtixaanka qaranka ee sanad dugsiyeedka 2024_2025 . Ardaydaan ayaa waxay waxbarasho dibadeed ( scholarship) ka heleen wazaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee soomaaliyeed.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2026 usoo idlaaday ardada wax ka barata dugsiga Sare Beeraha ee Marka imtixaan...
14/01/2026

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2026 usoo idlaaday ardada wax ka barata dugsiga Sare Beeraha ee Marka imtixaanka teeramka koowaad ee sanad dugsiyeedka 2025_2026. Waxay dhammaan macalimiinta iyo maamulka u rajeeyeen ardada guulo wanaagsan.

Address

Mohamed Yussuf Haji Avenue
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+254726544759

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Marka - Kaytoy Agriculture Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Marka - Kaytoy Agriculture Secondary School:

Share