09/10/2024
Innaa li laahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Waxaan ugu tacsiyaynayaa Ehelka, Qaraabadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha-u-naxaristee Generaal Cabdinaasir Maxamed Dalab oo maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday
Generaal Cabdinaasir waxa uu ahaa sarkaal mudo ka soo shaqeeyey Arimaha Ciidanka, Xilal kala duwan soo qabtay doorna kasoo qaatay dadaalada lagu dhisayey Dowladnimada Soomaaliya iyo hormarinta Ciidamada gaar ahaan Ciidanka Taraafikada Booliska Soomaaliya
Waxaan Alle uweydiinayaa in hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Alle haidinka siiyo.