18/04/2026
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo kaashanaysa Hay’adda Deegaan Relief Services (DRS), ayaa maanta si wadajir ah uga daah-furtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, barnaamij xog-ururin iyo qiimeyn ku saabsan maareynta iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Qiimeyntan ayaa laga fulin doonaa deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u furay barnaamijka, isagoo xusay in xog-ururinta iyo qiimeyntan laga fulin doono afar degmo oo kala ah: Baraawe, Afgooye, Kuntuwaarey iyo Qoryooley.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuca UGBAAD, oo ay fulinayso Hay’adda FAO, waxaana diiradda lagu saarayaa fahamka baahiyaha bulshada si loo horumariyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo maareynta deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay qiimeyntani u leedahay bulshada ku nool deegaannadaas, isagoo sheegay in natiijooyinka laga soo saaro ay noqon doonaan kuwo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee dadka.
Waxa uu intaa ku daray in si guul looga gaaro yoolalka mashruuca ay muhiim tahay iskaashi dhow oo ka dhexeeya hay’adaha iyo bulshada.
Barnaamijka waxaa fulinaysa Hay’adda Deegaan Relief Services (DRS), iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Koonfur Galbeed Soomaaliya.