25/02/2026
Singapore, 24 Febraayo 2026 🇸🇬 🇸🇴
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Singapore, Danjire dr. Faysal Ahmed Salad, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Singapore Tharman Shanmugaratnam, munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Dalka Singapore.
Intii uu kulanku socday, Safiirku waxa uu gudbiyey salaan diirran oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Safiir dr. Faysal ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi miro-dhal ah oo ka dhexeeya labada dal.
Safiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda juqraafiyeed ee istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Singapore, taas oo ka dhigaysa marin isku xira Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya. Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Geeska Afrika, isla markaana ku taalla Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, sidaas darteed, maadaama ay labada dal leeyihiin marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan caalamka oo istaraatiiji ah, waxay Soomaaliya u suurtagelinaysaa inay noqoto xarun mustaqbalka muhiim u ah saadka (logistics) iyo ganacsiga badda ee Afrika.
Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga ku saabsan:
• Casriyeynta iyo maareynta dekedaha
• Saadka badda iyo adeegyada maraakiibta
• Fududeynta ganacsiga iyo hufnaanta kastamyada
• Maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha
• Dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy) iyo kalluumeysiga
Safiirku waxa uu xusay in Soomaaliya ay waddo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu xoojinayo nidaamyada sharciyeed, lagu hagaajinayo nidaamka maaliyadeed, isla markaana lagu dhisayo jawi maalgashi oo furan oo la isku halayn karo. Waxa uu ku dhiirigeliyey shirkadaha iyo hay’adaha maalgashiga ee Singapore inay sahamiyaan fursadaha ku jira dekedaha, kaabeyaasha tamarta iyo isku xirka gaadiidka ee Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan doorka hoggaamineed ee Singapore ku leedahay dekedaha iyo saadka caalamiga ah. Safiirku waxa uu caddeeyey in Soomaaliya danaynayso iskaashi farsamo iyo mid ganacsi oo lala yeesho hay’adaha iyo shirkadaha Singapore.
“Soomaaliya waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo isku xirta qaarado kala duwan,” ayuu yiri Safiirku. “Iyadoo dhaqaalaha Afrika uu kobcayo, Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa inay noqoto xarun muhiim u ah ganacsiga iyo saadka badda ee isku xira Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka.”
Labada dhinac waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo sahminta fursado wax ku ool ah oo kor u qaada xasilloonida gobolka, badqabka marinnada badda iyo horumar waara.
Safiirku waxa uu mar kale caddeeyey sida uu uga go’an yahay inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha dowladda Singapore, ganacsatada iyo daneeyayaasha istaraatiijiga ah si loo xoojiyo xiriirka dhaqaale ee labada dal loogana faa’iidaysto danaha wadaagga ah ee muddada dheer.
Singapore, 24 February 2026 🇸🇬 🇸🇴
Ambassador dr. Faysal Ahmed Presents Credentials to the President of Singapore
The newly appointed Somali Ambassador to Singapore, Ambassador dr. Faysal Ahmed Salad, officially presented his letters of credence to the President of Singapore at the Istana.
The Ambassador conveyed warm greetings from President Hassan Sheikh Mohamud, emphasizing Somalia’s commitment to building strong economic and diplomatic ties. A key focus of the discussion was leveraging Singapore’s digital pathway and futuristic governance to modernize Somalia's public sector and trade systems. The meeting highlighted several strategic areas:
Digital Transformation: Adopting Singapore’s world-class digital governance and e-government frameworks.
Port & Maritime Logistics: Modernization, smart management, and global shipping services.
Trade Facilitation: Enhancing customs efficiency and infrastructure through technology.
Blue Economy: Sustainable ocean resources and high-tech fisheries management.
Ambassador dr. Faysal highlighted Somalia’s strategic location as the maritime gateway connecting Africa, the Middle East, and Asia. Both parties reaffirmed their commitment to bilateral cooperation, ensuring maritime security and fostering a sustainable, tech-driven economic future.