02/02/2021
Beelaha gobalka Mudug ee Puntland ayaa qodobo ka soo saaray Shir maalmahaan uga socday Gaalkacyo............................................................................................
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Shirka wadatashiga beelaha gobolka Mudug
Golden Plaza Hotel
Gaalkacyo Puntland,Somalia
February 2nd 2021
Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay labada bisha Febraayo sanadka 2021 waxaa Hotel Golden
Plaza ee magaaladda Gaalkacyo ku qabsoomay shir ay isugu yimaadeen beelaha degga gobolka Mudug ee Puntland kaasoo ujeedadiisu ahayd in beelaha gobolku ka tashadaan xaaladda guud ee gobolka,bogaadiyaan waxqabadka iyo horumarka ka jira gobolka isla markaana ka tala bixiyaan caqabadaha jira ee saamaynta taban ku yeelan kara horumarkii la gaaray.
Shirka oo daba socday shirar gooni gooni ah oo beeluhu si gaar gaar ah u yeesheen waxaa looga hadlay arimo badan oo khuseeya danaha gobolka waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arimahan hoose.
• Dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo
• U astaynta magaaladda Gaalkacyo in lagu qabto doorashadda heer federal ee Puntland
• Awoodsiinta waxgaradka,nabadoonadda iyo isimadda gobolka ee xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanadda iyo talo ku yeelashada xubnaha beelaha gobolka Mudug u matali doona heer federal.
Shirka oo ahaa mid furan oo lagu cabiarayey aragtida waxgaradka gobolka waxaa lagu heshiiyey oo kasoo baxay qodobadan hoose,
1. Shirku waxuu bogaadiyey habka iyo hanaanka ay dawladda Puntland u martay xakamaynta sicir bararka waxuuna ku booriyey ganacsatada in la qaato oo la socodsiiyo lacagta shillin Soomaaliga iyadoo loo marayo talo bixintii ay soo saareen guddigii ay dawladdu u saartay.
2. Shirku waxuu ku amaanay dawladda Puntland ka shaqaynta iyo dadaalka badan ee ay galiyeen la dagaalanka ka ganacsiga mukhaadaraadka iyo maandooriyayaasha iyadoo in
1
kastoo laga dareemayo hoos u dhac balaaran ay hadana wali jiraan in gobolka ay ka jiraan lagana dareemayo isticmaalka iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka taasoo u baahan in si wada jir ah shacab iyo dawladba wax looga qabto.
Waxa kaloo shirku soo jeediyey in beelaha gobolka iyo dawladdu iska kaashadaan xalinta khilaafaadka ka dhasaha dhulalka laysku qabsado taasoo khalkhal galisa amaanka.
3. Shirku waxuu bogaadiyey isdhexgalka dadyowga kuwada dhaqan labada dhinac ee gobolka Mudug ama labada maamul taasoo keentay inay kororto kalsoonidda iyo is aaminaada dadka ku dhaqan gobolka.
4. Shirku waxuu soo dhawaynayaa shirka siyaasadeed ee ka qabsoomaya magaaladda Dhuusamareeb waxuuna u rajaynayaa inay kasoo baxaan qodoba mira dhal ah oo looga gudbo khilaafka hadda jira horseedana doorasho laysala ogol yahay,xor iyo xalaal ah umadda soommaliyeedna u horseeda midnimo iyo wadajir
5. Shirku waxuu ugu baaqay dawladda Puntland gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha,dawladaha hoose iyo dimuqraadiyaynta inay bilowdo dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo si loo baahiyo is maamulka shacabka loogana baaqsado in hakad ku yimaado mashaariicda horumarineed ee ka socda degmadda kuwasoo badankoodu ku xiran yihiin jiritaanka golle deegaan oo dadku soo doorteen.
6. Shirku waxuu ka codsaday madaxweynaha dawladda Puntland in iyadoo la tixgalinayo dib u eegista heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray magaaladda Muqdishi 17kii
September ee kal h**e,lana tixgalinayo baaqyo h**e oo waxgaradka gobolku u gudbiyeen madaxwenae Siciid Cabdulaahi Deni kuwaasoo ku aaadanaa in iyadoo laga duulayo halka ay juquraafi ahaan dhacdo magaaladda Gaalkacyo oo ay kawada dhisan yihiin labo maamul isla markaana maamul ka mid ahi u asteeyey inay noqoto goob doorasho federal uu u aqoonsado in doorashooyinka heer federal ee Puntland qaybtood dawladda Puntland ku qabato magaaladda Gaalacyo si loo ilaaliyo lahaanshaha iyo taariikhda magaaladda.Shirku wuxuu sidoo kale ugu yeeray isimadda Gobolka in aan ka harin kana daalin inay dawladda Puntland gaar ahaan madaxweynaha kala hadlaan arintaasi.
7. Shirku waxuu ugu baaqay dawladda Puntland inay ka hadasho bulshaddana u caddayso in doorashadda heer federal ay noqoto mid hufan ayna kala cad yihiin doorarka kala duwan ee ay ku kala leeyihiin waxgaradka qabaailka iyo guddiga doorashadu soo xulista ergooyinka iyo cidda beeluhu u dirsanayaan inay ku matalaan tartanka xildhibaanadda ee lagu heshiiyo I yadoo la raacayo habraacyadda doorashooyinka si meesha looga saaro tuhunka ah inuu jiro b**b qorshaysan iyo inla rabo in la baalmaro rabitaanka qabaailka lana soo saaro xildhibaano aan kalsooni badan ku qabin beelaha iyo deegaamadda ay matali doonaan.
Dhamaad