Xisbiga Kulmiye Bristol

Xisbiga Kulmiye Bristol KULMIYE Waa xisbi siyaasi Ujeeddadiisuna tahay sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd himilooyinkeeda

25/06/2017
Ogaaysiis
05/10/2016

Ogaaysiis

Mohamed Farah, the people’s hero, shows mindset of true warrior to win the 10000 Olympic gold..Somaliland is proud of yo...
14/08/2016

Mohamed Farah, the people’s hero, shows mindset of true warrior to win the 10000 Olympic gold..Somaliland is proud of you.

Waxan hambalyo iyo bogaadinta ciid u dirayna dhammaan ummadda musliminta ah gaar ahaan shacbiga reer SomaliLand  aan lee...
05/07/2016

Waxan hambalyo iyo bogaadinta ciid u dirayna dhammaan ummadda musliminta ah gaar ahaan shacbiga reer SomaliLand aan leeynahay ku wada ciida caafimaad Aamiin CIID MUBAARAK

Tacsi dhamaan Reer Sufi Jibril. Inaalilaahi wa, Inaa ilayhi rajucuun.Allah ha, u naxariistee waxa taarikhdu tahay 23/06/...
25/06/2016

Tacsi dhamaan Reer Sufi Jibril.
Inaalilaahi wa, Inaa ilayhi rajucuun.
Allah ha, u naxariistee waxa taarikhdu tahay 23/06/16 ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa Haje Hassan Sufi Jibril waxaynu Marxuumka,EEBBE uga baryeynaa, in uu ka Waraabiyo naxariistii Jano Qabrigana Allah u Nuuro,Allah u dhibyareeyo, Janatul Fardowsana Allah geeyo. Caruurtiisii,Ehelkiisii, Qaraabadiisii,Asxaabtiisii, iyo dhamaanba Reer Sufi Jibril,Umada Reer Somaliland ka siiyo samir iyo iimaan. Aamiin Aamiin.

09/06/2016

Bishan juun 04/06/2016 oo ku beegnayd sabtidii ayan waxaan magaalad Bristol ka qabsoontay xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay taasi oo u jeedadeedu ahayd dar dar galinta xisbiga talada haye ee kulmiye. sidii uu mar labaad uGu guulaysan lahaa talada dalka doorashada soo socota. xafadan oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan cuqaal salaadiin ugaasyo culima udiin ururada haweenkawafti wasiiro ah xildhabaano la taliyayaal guud ahaan laamaha xisbiga kulmiye ee ukayaa ahayd xaflad u dhacay si wanaagsan waxaana busha weytii ka soo qayb gashay lagu dar dar galiyay inay u diyaar garoobaan doorasha soo socota taasi oo aysharaxanyihiin mujaahid muuse biixi iyo cabdiraxmaan saylici. waxaa aad loogu guubaabiyay reer Bristol inay dadaal dheeraada muujiyaaniyagoo noqday meesha xibiga ku soo hirto guushuna tahay mid la walaala cida dadaasha xisbiga kulmiyena yahay aabaha xisbiyada Somaliland. waftiga ka soo qayb galay xaflada dar dar galinta xisbiga kulmiye
1)wasiirka beeraha maxamed awdaahir
2)wasiirka x.golayaasha
ali xaamud
3)wasiir ku xigeenka caafimaadka xasan daahir
4)safiirka Somaliland ee uk
Ali aden cawaalela
5)taliya madaxweynaha ee ganacsiga Ahmed xasan carwola
6)taliyaha madaxweynaha ee arimaha dibada abdo ayar
7)gudoomiyah xisbiga kulmiye uk xariir xirsi
iyo marti sharaf kale oo badan
naasir soufi
xoghayaha xisbiga kulmiye Lsanta Bristol

This week was Mohamed Behi Yonis birthday, we wish him happy 69th.One of Somaliland best politicians. Happy B Day
30/05/2016

This week was Mohamed Behi Yonis birthday, we wish him happy 69th.One of Somaliland best politicians. Happy B Day

A great man with Patriotism.We reckon this is one of the best photo that's been taken this year 18/may.please share you ...
25/05/2016

A great man with Patriotism.
We reckon this is one of the best photo that's been taken this year 18/may.please share you opinion.

5/05/2016Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Somaliland iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye ee Bristol oo Kulan la Yeeshay M...
06/05/2016

5/05/2016
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Somaliland iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye ee Bristol oo Kulan la Yeeshay Madaxda Jaamacada Galbeedka England (UWE) ee Magaalada Bristol.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ay Wehelinayeen Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Bristol oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Laanta Mudane Mustafe Xaashi, Cabdiraxmaan Qootaali, Siciid Mohamed Ali iyo Nasser Soufi ayaa Kulan balaadhan la qaatay Madaxda u sarraysa Jaamacada University of the West of England (UWE) oo ku taala magaalada Bristol oo uu hor kacayay Madaxa Qaybta Caalamiga ee u Qaabilsan Qaarada Afrika JImi Ogunnusi waxaanay si qoto dheer uga wada hadleen sidii Jaamacada UWE iyo Jaamacada Hargeya la isugu xidhi lahaa ee ay Cilaaqaad u wada yeelan lahaayeen, isuna dhaafasan lahaayeen Aqoonta iyo Waayo aragnimada, fursado Waxbarashana ay Ardayda reer Somaliland uga heli lahaayeen Jaamacada UWE.

Ugu Horreyn Mudane Naasir Soufi oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay inuu ka mid yahay ardayda Jaamacada UWE aadna uu doonayo in Jaamacadani ay xidhiidh la yeelato Jaamacada Hargeysa si garab loo siiyo Ardyada reer Somalilanad ee Dalka Hooyo joogta, waxaana uu xusay in faaiido labada dhinacba u dan ahi ay ku jirto xidhiidhkaas, sidoo kalana waxa uu ka codsaday in Fursado Waxbarasho ay ka helaan Ardayda Somaliland jaamacada UWE

Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa ka warramay Marxaladihii uu soo maray Dalka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal xasiloon oo Horumar ay higsanayaan Shacbigiisu, waxaana uu Tilmaamay in Jaamacada Hargeysa ay tahay Jaamacad xidhiidh Fiican la leh Jaamacado badan oo Dunida ku yaalla, waxaana uu sheegay inay baahi weyn u qabaan Ardayda Jaamacada Hargeysa ka Qalin jabiyaa inay helaan Waxbarasho Sare, sidoo kalana ay gacan ka helaan dhinaca kor u qaadida iyo tayaynta waxbarshada, Jaamacada UWE iyo Jaamacada Hargeysana ay noqdaan qaar is dhaafsada Ardayda iyo waliba arrimaha Cilmi Baadhista iyo Dhaqanka, waxa kale oo uu xusay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Amni ah oo Ardayda Jaamacada UWE ay ku soo samayn karaan daraasadaha cilmiyeed ee kala duwan.

Mr. Jimi Ogunnusi oo ah Ambassadorka Ganacsiga Jaamacada ee Qaybta Caalamka Afrika u Qaabilsan Jaamacada UWE ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Booqshada iyo Xidhiidh dhex mara labada Jaamacadood ee Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in Jaamacada UWE ay xidhiidh la leeyihiin Jaamacado badan oo Dunida ah, aadna ay u danaynayaan una soo dhawaynayaan Xidhiidh dhex mara kabada Jaamacadood ee Hargeysa iyo UWE.

Kulankan waxaa la isku afgartay in dhakhso loo bilaabo sidii ay labada Jaamacdood u bilaabi lahaayeen inay si rasmi ah u gudo galaan sidii xidhiidhkaas loo meel marin lahaa Labada Jaamacadoodna heshiis u kala saxeexan lahaayeen Mustaqbalka, isagoo Wasiir ku xigeenka Qorshayntuna uu sheegay in Madaxda Jaamacada Hargeysa uu gaadhsiin doono Qorshahan, isla markaasna uu ka shaqayn doono sidii Mustaqbalka dhow ay Madaxda labada Jaamacadood u kulmi lahaayeen.

Gebogebadii kulankan Waxa Jaamacada UWE ay Wasiir ku Xigeenka Gudoonsiiyeen Hadyad iyo Buugaag ka hadlaya Jaamacada UWE, halka uu Wasiir ku Xigeenkuna Gudoonsiiyay Qoraalo ka hadlaya Jaamacada Hargeysa iyo Taariikhdeeda

Wabilaahi Tawfiiq

06/05/2016

******************OGEYSIISY MUHIIM AH*****************

XISBIGA kulmiye uk laanta Bristol ayaa 02/05/2016 shir ay isugu yimaadeen
kulankaasi oo ka dhacay xarunta XISBIGU ku leeyahay magaalada Bristol
Ayaan waxaa lagu qaadaa dhigay horumarinta iyo kor u qaadida xisbiga
shirkan ayaa ahaa mid ka duweyn kuwii h**e kaasi o ay ka soo xaadireen
dhamaan xubnaha xisbiga ee laanta Bristol...
waxayna si mug leh uga doodeen qawaaniinta xisbiga iyo ahmiyada loo qaba in
la dhiso garabka haweenka ee BRISTOL ka dib markay arkeen xeerarka XISBIGA
iyo baahida loo qabo xubno firfircoon oo haweena kuwaasi oo gudanaya waajibaadooda
qaran iyo ka XISBIGA
hadaba shir gudoonka oo ahaa gudoomiye mustafe xaashi Ayaa ku dhawaaqay in cod loo qado gudiga haweenka Bristol ee XISBIGA kulmiye waxaana lagu ansixiyay
cod aqlabiyada, waxay gudidaasi noqonaysaa gudi sharciya oo mudan in la ixtiraamo
laga bilaabo maalintaa 02/04/2016, Garabka oo ah:-

GARABKA HAWEENKA KULMIE BRISTOL
1-Ruqiya abdi xudhuun gudomiye
2-Khadara rabiile habane kudoomiye kuxigeen
3-Nimco xagaaa gdoomiye kuxigeenka kowaad
4-Safiya daahir gudomiye kuxigeenka labaad
5-Hodan ahmed xoghayaha
6-Hooda abdilahi khasnaji
7_Ayaan qorane afhayeenka

dhamaan xarumaha xisbiga kulmiye ee dunida dacaladeen
sida xarunta guud ee xisbiga kulmiye ee magaalada hargaysa
xarunta uk ee magaalada London waxaan ka wargalinaynaa
dhismaha garabka haweenka XISBIGA kulmiye ee Bristol.
sidaa iyo wada shaqayn hufan

xogahaya guud ee xisbiga kulmiye Bristol
Nasser Soufi

If Leicester can win the Premiership, then we the people of Somaliland can make Somaliland the best place in the world a...
03/05/2016

If Leicester can win the Premiership, then we the people of Somaliland can make Somaliland the best place in the world a country based on honest and decency. Congratulations Leicester FC

Address

Bristol

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Kulmiye Bristol posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share