06/08/2024
Aniga oo ah Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee France, kuna hadlaya magaca Safaaradda waxa aan tacsi u dirayaa Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe oo maanta oo Talaado ah , 6 bisha August, ku geeriyooday Magaalada Gävle ee dalka Sweden.
Marxuum Cabdiraxmaan Hiraabe oo aan ka soo wada shaqeynay intii aan Safiirka ka ahaa Jamhuuriyadda Jabuuti , waxa aan ka marqaati furayaa wanaaggiisa iyo inuu ahaa qof ka dhowrsan 3 dhaqan oo dad yar mooyee Soomaali inteeda badan aan laga helayn, qabyaalad, wax ka sheega dadka kale iyo ku adadeyga sharciga iyo shaqada. Waxaa uu ku sifoobay anshax wanaag iyo shaqo gudasho ku suntan aqoon iyo hakrasha la'aan.
Rabbi, waxa aan uga baryayaa inuu hoygiisa ka dhigo jannada sare ee Al-fardows, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun
Danjire Maxamed Cali-nuur Xaaji
Paris, France