Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Shiniile

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Shiniile 👉Ku Xidhnaw
Boggaga Rasmiga
Xisbiga Barwaaqo
Waa u Addeegaha Shacabka

Golaha ay udhan yihiin  Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya ayaa soo dhaweeyay sida nabadda ah ee ay ku dhammaatay Doorashadii...
03/06/2026

Golaha ay udhan yihiin Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya ayaa soo dhaweeyay sida nabadda ah ee ay ku dhammaatay Doorashadii 7-aad ee Guud, isagoo goluhu u mahadceliyay shacabka, xisbiyada siyaasadda iyo hay’adaha amniga.
Goluhu wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan xallinta khilaafaadka hab dimuqraadi ah si loo xaqiijiyo nabad waarta oo Itoobiya ka dhalata.

Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, lehna awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, kana sh...
01/06/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, lehna awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, kana sharaxan Degmada Shiniile ee Gobolka Siti, ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay mid ka mid ah goobaha codbixinta ee Degmada Shiniile.

Ciid Mubarak dhamaan muslimiinta gaara ahaa shacabweynaha Degmada Shiniile iyo deegaanka somalida.Ilaahay ciidan ciideed...
26/05/2026

Ciid Mubarak dhamaan muslimiinta gaara ahaa shacabweynaha Degmada Shiniile iyo deegaanka somalida.

Ilaahay ciidan ciideeda nabad iyo barwaaqo ha inagu gaadhsiiyo aamiin.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 17/09/2018 T.I, kumannaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo ayaa isu-soo-bax balla...
25/05/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 17/09/2018 T.I, kumannaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo ayaa isu-soo-bax ballaadhan oo taageero ah ku qabtay magaalada Shiniile ee xarunta Gobolka Sitti.
Banaanbaxan oo ahaa mid si heer sare ah loo abaabulay ayaa waxaa kasoo qayb-galay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Deegaanka Soomaalida, Mudane Inj. Maxamed Shaalle Isaaq, iyo hoggaaminta sare ee xisbiga.
Shacabka tirada badan ee isu-soo-baxan kasoo qayb-galay ayaa si cad u muujiyay taageerada iyo kalsoonida ay u hayaan Xisbiga Barwaaqo, iyagoo kor u qaaday hal-ku-dhegyo muujinaya midnimo, horumar, iyo taageerada xisbiga.
🟢 Dooro Xisbiga Barwaaqo
🌾 Dooro Xidhmada Qamadiga

Haweenku Waa Laf-dhabarta Horumarka, Xisbiga Barwaaqona Waa Xisbi Awood iyo Fursad Siiyay HaweenkaWaxaa si heer sare ah ...
23/05/2026

Haweenku Waa Laf-dhabarta Horumarka, Xisbiga Barwaaqona Waa Xisbi Awood iyo Fursad Siiyay Haweenka
Waxaa si heer sare ah magaalada Shiniile uga qabsoomay kulan ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen Garabka Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo ee 2-aad Qabalaha magaalada Shiniile. Iyo Garabka Xisbiga Haweenka Gobolka

Munaasabaddan oo si qurux badan loo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray xoojinta doorka haweenka ee horumarka bulshada, ilaalinta midnimada shacabka, iyo ka qaybqaadashada geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka. Waxaa sidoo kale si weyn loogu muujiyay taageerada ay haweenku u hayaan musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo ee degmada Shiniile uga sharaxan doorashada.

Kulanka waxaa lagu bogaadiyay kaalinta muuqata ee haweenku kaga jiraan abaabulka bulshada, wacyigelinta shacabka, ilaalinta nabadda, iyo xoojinta guusha ololaha doorashada. Haweenka ayaa lagu tilmaamay tiirka ugu muhiimsan ee bulshada iyo awoodda dhabta ah ee hormuudka u ah horumarka iyo wadajirka bulshada.
Mas’uuliyiin, hoggaamiyeyaal, iyo musharrixiin ka tirsan Xisbiga Barwaaqo oo munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn u ammaanay dadaalka iyo kartida haweenka degmada Shiniile, iyagoo xusay in haweenku yihiin awoodda ugu weyn ee horseedi karta guusha doorashada iyo horumarka mustaqbalka.
Gabagabadii munaasabadda, waxaa la gudoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin sharaf haldoorro kala duwan, masuuliyiintii ka qaybgalay munaasabadda, iyo musharrixiinta Xisbiga Barwaaqo ee degmada Shiniile uga qaybgalaya doorashada, taasoo muujinaysa dhiirrigelin iyo qadarin ku wajahan kaalinta ay bulshada ugu adeegayaan.
Dooro Xisbiga Barwaaqo
Dooro Midnimo iyo Horumar
Dooro Mustaqbalkaaga.

Waxaa Maanta Madasha shirarka ee Degmada shinile ka qabsoomay Kulano kala duwan oo Qayb ka ah Ololaha Doorashada.Kulanad...
23/05/2026

Waxaa Maanta Madasha shirarka ee Degmada shinile ka qabsoomay Kulano kala duwan oo Qayb ka ah Ololaha Doorashada.

Kulanadan ooy hoogamineyen Guddoomiyaha Gobolka Sitti Mudane Ibraahim Xuseen Khayre iyo Wasiiro heer deegaan iyo musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo kulankan ooy ka soo qaybgalen waxaa kasoo qaybgalen qaybaha kaladuwan ee dhalinyarada hoyoyinka culumo-awdiinka iyo uqasha iyo qaybaha kala duwan qaab-dhismeedyada maamulka iyo masuuliyiinta Xisbiga Barwaaqo.

Intii uu kulanku socday ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay mideynta bulshada, wada-shaqaynta shacabka iyo maamulka, iyo dardar-gelinta ololaha doorashada si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo guul leh

Ugu dambayn, masuuliyiintii kulanka ka hadashay ayaa bulshada degmada Shinile ugu baaqay inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashada, isla markaana taageeraan dadaallada lagu xoojinayo horumarka, nabadda iyo midnimada bulshada.

22/05/2026

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH 📢
Waxaa Malinta isninta ee ingu so adaan ka dhici doono Xarunta Magaalada shiniile Banaanbax balaadhan oo lagu Taageerayo Xisbiga Barwaaqo

SHINILE – Waxaa maanta galabtii garoonka rooga ee degmada Shinile ka qabsomay kulan ciyaareed saaxiibtinimo oo aad u xii...
21/05/2026

SHINILE – Waxaa maanta galabtii garoonka rooga ee degmada Shinile ka qabsomay kulan ciyaareed saaxiibtinimo oo aad u xiiso badan, kaas oo ay wada ciyarayeen Hogaminta Degmada iyo liiga dhalinyarada degmada
​Ciyaartan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ujeedadeedu ahayd xoojinta is-dhexkalka bulshada, xoojinta wada shaqaynta udhaxaysa hogaminta iyo liiga dhalinyarta degmada, iyo dhiirrigelinta fayo-qabka iyo isboortiga.
​Masuuliyiintii Ka Soo Qayb-galay
​Kulankan oo ahaa mid indhaha lagu hayey, waxaa madasha joogay oo daawashadeeda kala soo qayb-galay masuuliyiin heer deegan, iyo ​Musharraxiinta Degmada: Xubnaha u taagan doorashooyinka degmada oo iyaguna goobjoog ahaa si ay u dhiirrigeliyaan dhalinyarada iyo isboortiga.
​Taageerayaal aad u tiro badan oo u soo daawasho tegey ciyaarta.
Ciyaartaaso kusoo dhamaatay jawi aad uqurux badan

Address

Shinile

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Shiniile posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share