21/04/2025
Kooxaha Diiwaangelinta Nidaamka Kadhastar-ka oo Saaka Ka Ambabaxay Xafiiska Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Dhulka ee MMJ
Saaka oo ay taariikhdu tahay 13ka mayasiya, ayaa waxaa si rasmi ah uga ambabaxay xarunta dhexe ee Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Dhulka ee Maamulka Magaalada Jigjiga, kooxaha kala duwan ee loo xilsaaray fulinta hawsha diiwaangelinta nidaamka kadhastar-ka.
Kooxdan oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Wakaaladda, Eng. Guuleed Maxamed, ayaa socdaalkooda ku bilaabay Xafiiska Qabaha Xaafadda 5aad, halkaas oo ay kulan is xog wareysi ah kula yeesheen Guddoomiyaha Xaafadda 5aad, Mudane Awal C/dir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraaca shaqada, sida ay u dhici doonto geedi-socodka diiwaangelintu, iyo doorka maamulka xaafadda ee hawshaasi.
Guddoomiye Awal ayaa si diirran u soo dhaweeyay qorshahan, isagoo muujiyay diyaar garowgiisa iyo taageerada buuxda ee uu siinayo hawsha socota. Sidoo kale, wuxuu magacaabay xubno dheeraad ah oo la shaqeeya kooxaha diiwaangelinta si ay u fududaato hawlgalka.
Intaa kaddib, kooxdii diiwaangelinta ayaa si rasmi ah shaqadooda uga bilaabay qaybo kala duwan oo ka tirsan Xaafadda 5aad, iyagoo si toos ah u guda galay diiwaangelinta nidaamka kadhastar-ka iyo xog uruurinta la xiriirta.