Komishinka Cabashooyinka Gobolka Daawa

Komishinka Cabashooyinka Gobolka Daawa Boga Rasmiga ah ee komishinka Cabashooyinka Gobolka Daawa

‎Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa loo magacaabay Hoggaamiyaha Midowga Afrika ee Garaadka Macmalka iyo Caafimaadka ...
24/04/2026

‎Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa loo magacaabay Hoggaamiyaha Midowga Afrika ee Garaadka Macmalka iyo Caafimaadka Dijitaalka ah.

‎Midowga Afrika ayaa Raysal'wasaare Abiye Axmed u aqoonsaday Hoggaamiyaha Midowga Afrika ee Garaadka Macmalka iyo Caafimaadka Dijitaalka ah kadib doorkiisa joogtada ah ee Itoobiya ee horumarinta Garaadka Macmalka iyo hal-abuurka qaaradda.

‎Warqadda magacaabista ayaa u qornayd sidan: "Mudane, hoggaankaaga horumarineed ee isbeddelka casriga ah iyo tiknoolajiyada cusub waxay door muhiim ah ka ciyaareen sidii garaadka macmalka looga faa'ideysan lahaa hab muhiim u ah madaxbannaanida Afrika, hufnaanta iyo kobaca loo dhan yahay. U doodistaada joogtada ah ee madaxbannaanida tignoolajiyada iyo dhisidda awoodda teknoolojiyadda ayaa si weyn uga qayb qaadan doonta mawqifka qaaradda ee noqoshoda hoggaamiye caalami ah dhinaca isticmaalka mas'uuliyadda leh iyo caddaaladda ee Garaadka Macmalka."

‎Iyadoo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) Itoobiya waxay sanadihii lasoo dhaafay horumar la taaban karo ka samaysay dhinacyada dijitaalka iyo garaadka macmalka ah.

‎Ballaadhinta kaabayaasha casriga ah, hirgelinta adeegyada dawladda ee elektaroonigga ah, maalgelinta nidaamka hal-abuurka, dhisidda machadka Garaadka Macmalka ah, iyo horumarinta Istaraatiijiyadda Garaadka Macmalka ah ee qaranka ayaa ah hawlo aasaas adag u ah isbeddelkan. Intaa waxaa dheer, dhismaha la qorsheeyay ee Jaamacadda Garaadka Macmalka ah ee madaxbannaan ayaa la filayaa inay sii xoojiso cilmi-baarista, horumarinta xirfadaha, iyo iskaashiga qaaradda.

''Iskutaahi Iyo Waxsoosaarka ayaa horseed Sharaf Iyo Gobonimo Laga Gaadha''Dhammaan Beeralayda Gobolka Ujeeddo: Wacyigal...
26/03/2026

''Iskutaahi Iyo Waxsoosaarka ayaa horseed Sharaf Iyo Gobonimo Laga Gaadha''

Dhammaan Beeralayda Gobolka Ujeeddo: Wacyigalin iyo Dhiirigelin Xilliyeed Mudanayaal iyo Marwooyin,
Marka h**e, waxaynu u mahadnaqaynaa Alle (SWT) oo inoo shubay naxariistiisa, inoo soo mariyey curashada xilli roobaadkan aynu galnay. Roobku waa nimco iyo fursad qaali ah oo u baahan in looga faa’iideeyo si cilmiyaysan si aynu u gaadhno isku-filnaansho cunto..........................................................................................
ISKUDUWAHA BEERAHA GOBOLKA DAAWA
:- cali Hassan ayaa dhamaan beeralayda iyo iskaashato beeralayda iyo cid walba oo ku howlan soosaarida wax soosaarka nooc yadiisa kala duwan udiray baaq ku saabsan xili roobaadkan hadda bilowga ah uguna baaqaya beeralayda inay bilaabaan diyaar garow balaadhan oo ku aadan wax beerashada xili roobaadka beeralayduna ay u diyaarsato dhul beereed ka balaadhan kii sanadkii h**e si loo helo wax-soosaar badali kara damaanada cunada Gobolka Daawa diyaar garow adagna laga dareemo
waxaa sidoo kale masuulku baaq udiray dhamaan beeralayda iyo iskaashato beeralayda inay iyaguna sidoo kale diyaariyaan dhul beereed lagu tashan karo wax-soosaarkiisa.
Iskuduwaha beeraha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in ka xafiis ahaana diyaar garow balaadhan ay ugu jiraan sidii beeralayda iyo iskaashatooyinka ay garab iyo caawin uga siin lahaayeen soo saarida wax-soosaar tiro iyo tayaba leh kana caawinaya dhamaan abuurka xulka ah nooc yadiisa kala duwan dawooyinka cayayaanka iyo kuwa nafaqada leh waxaana sidoo kale hadh iyo habeenba sidokake wuxu ugu baaqaay degmooyinka in si ka duwan sidi h**e loogu dabagalo xirfadlayaasha ku qoran qabalee kasta in u kormeer iyo taakuleyn joogta ah siiyo beeralayda si kor loogu qaado waxsoosaarka ugana caawiyaan wixi farsamo iyo talo u baahan.
ujeedada iyo qorshahayagu yahay maadaama la soo maray abaaro iyo xili adag in la sameeyo kasoo kabasho lagana faaiidaysto xili roobaadkan hada lajoogo lana helo wax soosaar aad ubadan si aan u cidhib tirno cuna yaraanta hada taagan
"Tacabka maanta waa badhaadhaha berrito. Aan gacmaha is-qabsanno si aynu u soo saarno wax-soo-saar tayo leh oo daboola baahida gobolkeena."
* balan teenu tahay Dhulkeena dihin baa dahab ah
Qoray: Isuduwaha Xafiska Beeraha Gobolka Daawa

Qiimaynta warbixinta waxqabadka 6-dii bilood ee komishinka qaabilaada baadhista iyo xallinta cabashooyinka DDS ee goboll...
15/01/2026

Qiimaynta warbixinta waxqabadka 6-dii bilood ee komishinka qaabilaada baadhista iyo xallinta cabashooyinka DDS ee gobollada iyo maamul magaalooyinka ayaa maanta ka furantay magaalada Jigjiga.

Waxaana qiimaynta oo uu furay komishineer kuxigeenka komishinka qaabilaada baadhista iyo xalinta cabashooyinka DDS Mudane Siidow Isaaq Dayib kasoo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha komishinka ee gobollada iyo maamul magaalooyinka Deegaanka Soomaalida.

Qiomayntan oo uu weheliyo tababar kug saabsan kor u qaadida garaadka aqooneed ee shaqaalaha oo socon doona mudo 3 cisho ah ayaa waxaa inta ay qiimayntani socoto lagu eegi doonaa waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii waxqabadka 6-da bilood ee u horraysa sanad miisaaniyeedkan 2018-ka T.I.

masuulinta heer gobol iyo heer degmo ee uu hogaaminayo madaxa arrimaha siyaasda gobolka daawa mudane maxamed caliyow aya...
17/12/2025

masuulinta heer gobol iyo heer degmo ee uu hogaaminayo madaxa arrimaha siyaasda gobolka daawa mudane maxamed caliyow ayaa kormeer indha indhayn ah ku soo marey qabaloyinka sentarka dhukisu ee degmada mooyale

hogaaminta ayaa inta kormeerka lagu jirey xooga sarayay nidamka adeegbixinta xarumaha iyo dhaman shaqooyinka hindisaha xisbigu soo dhaadhiciyay ee ay hogaaminta degmada malimahan ba ay ku kala qornayeen checklistiga.
gobaha la booqdey ayaa shaqoyinku si habsami ah uga socdeen isla markaas na dedaal fiican uu ka muuqdey.

waxa manta degmada moyale nagu qabsoomay shirka  hogaminta gobolka iyo degmada ay la yeesheen mamulka  dowlada hoose ee ...
10/12/2025

waxa manta degmada moyale nagu qabsoomay shirka hogaminta gobolka iyo degmada ay la yeesheen mamulka dowlada hoose ee magaala moyale shirkan ee uu shirgodoominayay godomiyaha gobolka daawa mudane abshir hasan abshiro ayaa ajendihiisu ahaa
1. wadoyinka magalada ee la dhisanayo in 5m laga fogaado
2. in qashinka magaalada ee wadoyinka lagu daadiyo wacyigelita laga sameeyo.
3. in shacabka lagu wacyigeliyo in marka guruyaha ay dhisnayaan 5m wadada laga fogeeyo ee intaas loo soo dhafi karin.
4. in dhulka dowlada ee shaqsiyaadku ay oteen laga howlgalo.
5. in biyo gelinta magaalada madama la bilaabayo melaha planka uu ku hagaago la baneeyo ee shaqsiga wacygelin balaaran laga siiyo.

waxaa manta degmada moyale nooga qabsoomay shirka dhaadhcinta chechklistiga hindisaha xisiga barwaaqo ee kaabinetka ubax...
10/12/2025

waxaa manta degmada moyale nooga qabsoomay shirka dhaadhcinta chechklistiga hindisaha xisiga barwaaqo ee kaabinetka ubaxayo qabaloyinka oritentionka na laga siiyay sidii lagu xoojin lahaa howlaha

shirka waxaa si wada jir ah udaadihinayay madaxa arrimaha siyaasada gobolka dawa mudane maxamed caliyow iyo gudomiyaha degmada mudane bishaar caliyow

08/12/2025
Wareeggan saddaxaad  ee tababarka sanad-miisaaniyadeedka 2018 T.I ee hoggaminta Hoose, Shaqaalaha Dowlada iyo Xubnaha Xi...
06/12/2025

Wareeggan saddaxaad ee tababarka sanad-miisaaniyadeedka 2018 T.I ee hoggaminta Hoose, Shaqaalaha Dowlada iyo Xubnaha Xisbiga ayaa si rasmi ah uga furmay dhamaan *Degmooyinka Gobolka Daawa iyo xarunta Gobolka

Tababarkan oo socon doona 2 maalmood oo xiriir ah ayaa halku-dhiggiisu yahay “Aragtida Dowlada Wadajirka waa Horumarinta Waaxyaha Kala Duwan ee Dalka.”

Inta uu tababarku socdo waxaa lagu baran doonaa mowduucyo la xiriira aragtida dowlada ee ku dhisan fikirka wadajirka ah, ee beeraha iyo horumarinta reer miyiga, warshadaha, horumarinta magaalooyinka iyo magaaleynta, iyo dalxiiska.

Tababarkani waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo aqoonta, xirfadaha, iyo kartida hoggaminta iyo Xubnaha Xisbiga Barwaaqo.

Tababarka ayaa waxaa furey *Masuulynta Gobolka ama gudiga xidhidhinta oo kukala qoran xarumaha degmooyinka

Kulan lagu qiimeynayey Hindisaha xisbiga Barwaaqo  ayaa ka qabsoomey xarunta Gobolka Daawa.Kulankan oo uu  Hogaaminayey ...
05/12/2025

Kulan lagu qiimeynayey Hindisaha xisbiga Barwaaqo ayaa ka qabsoomey xarunta Gobolka Daawa.

Kulankan oo uu Hogaaminayey gudomiyaha Gobolka Daawa Mudane Abshir Xasan Abshiro ayaa lagu qiimeeyey Warbixinta waxqabadka Hindisaha ee 24ka cisho Hogaaminta ka qabanayeey degmoyinka Gobolka

Address

Ley
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Komishinka Cabashooyinka Gobolka Daawa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share