22/04/2025
Waxaa maanta oo bisha Miasiya tahay 9, 2017 T.I. (April 17, 2025), sidii caadiga ahayd, ka qabsoomay madasha shirarka ee Xafiiska Qorshaynta DDS Kulankii caadiga ee Guddiga Maaraynta Xafiiska Qorshaynta.
Kulanka waxa guddoominayay Wasiirka Xafiiska Qorshaynta, Mudane Omar-Farouk Haaji Warfa, waxaan goob-joog ahaa Ku-xigeenada Madaxa Xafiiska iyo xubnaha Guddiga Maaraynta Xafiiska.
Ajendaha kulanku wuxuu darnaa:
Qiimaynta dib u eegidda qodobadii lagu heshiiyey kulankii ugu dambeeyey ee Guddiga Maaraynta oo ku taariikhaysnaa Megabit 25, 2017 T.I.
Iyo waxqabadka kale ugu mihiimsan ee ay waaxuhu qabteen ayna ka mid ahaayeen:
1. dhammaystirka Warbixinta Waxqabadka Qorshaha Horumarinta Saddexda Sano (2015 - 2017 EFY);
2. u diyaargarowga Qorshe-Howleedka SM 2018 (2025/2026);
3. dhammaystirka isku-daridka warbixinta waxqabadka sagaalka bilood SM 2017;
4. u diyaargarowga Qorshaha Horumarinta Shanta Sano (2017 - 2022 EFY);
5. dhammaystirka daraasadaha kala duwan ee waaxahaha Xafiisku gacanta ku hayo:
Agaasimayaasha iyo hoggaaminta sare ee Xafiiska Qorshaynta ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada kore (progress updatea).
Gabagabadii shirka, waxa la isla qaatay shaqooyinka mudnaanta leh iyo kuwa u baahan dardargalinta oo ay ka mid yihiin: (Key takeaways and action points).
Ugu dambayna waxa kulanka soo gunaanaday Wasiirka Xafiiska Qorshaynta, Mudane Omar-Farouk Haaji Warfa.