11/05/2026
*Balanqaad la hirgaliyay!*
Dawlada Itoobiya waxay sektarada kala duwan ee horumarka ka hirgelisay mashaariic waaweyn oo aan kaliya noqon rajo ay jiilashu yeeshaan, balse noqday guulo dhab ah oo la taaban karo kuwaas oo muujinaya in ballanqaad loo beddelay ficil.
Dhanka beeraha, gaar ahaan horumarinta qamadiga waraabka ku baxa, isbeddel weyn ayaa muuqda oo laga sameeyay. Tani waxay dalka ka saartay ku tiirsanaanta gargaarka qamadiga ee dibadda, iyadoo sare u qaaday isku filnaanshaha cuntada. Sidoo kale, bilowga dhoofinta qamadiga ayaa marxalad cusub u furay dadaalka lagu xaqiijinayo isku filnaanshaha cuntada.
Dhanka warshadaha, barnaamijka “Made in Ethiopia” ee lagu yareynayo qulqulka lacagta adag ee dalka ka baxda ayaa keenaya natiijooyin rajo leh. Waxsoosaarka gudaha ee agabka warshadaha iyo badeecadaha kale ayaa xoojinaya waxsoosaarka isla markaana adkeynaya qaab-dhismeedka dhaqaalaha.
Mashruuca horumarinta koridoorrada/marinada magaalooyinka oo lagu hagaajinayo muuqaalka magaalooyinka isla markaana shacabka loogu abuurayo nolol qurux badan ayaa Addis Ababa iyo magaalooyinka kale ee dalka ka dhigay goobo ku haboon dalxiiska, shirarka iyo isku socodka. Sidoo kale, wuxuu horseeday in kaabayaal tayo leh oo muwaadiniinta dalka u abuuraya rajo cusub oo ay dalkooda ka qabaan.
Barnaamijka Green Legacy ama Dhaxalreebka Cagaaran ayaa dalka u suurageliyay in lagu beero in ka badan 48 bilyan oo noocyo kal duwan oo geedo ah. Tani waxay dalka Itoobiya ka dhigtay mid safka h**e kaga jirta dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo isbeddelka cimilada, iyadoo reebtay raad muuqda oo aan la illoobi karin.
Dib-u-habeynta goobaha dalxiiska ee horay u jiray, dhismaha goobo cusub oo dalxiis iyo ballaadhinta maalgashiyada tamarta nadiifta ah ayaa maraya heer midhihiisa si muuqata loo dareemayo. Shaqooyinkaasi waxay kaalin muhiim ah ka qaateen soo bandhigista khayraadka dalka iyo xoojinta saldhigga dhaqaalaha.
Guulahani, waa natiijada ka dhalatay wadajir iyo go’aan adag oo ay muujiyeen dowladda iyo shacabku. Waxay caddeynayaan in Itoobiya ku socoto waddadii saxda ahayd ee horumarka iyo koboca, isla markaana ay taagan tahay marxalad taariikhi ah oo isbeddel dhab ah ku keenaysa nolosha muwaadiniinteeda.