28/04/2026
Degmada Lehel-Yucub ee gobolka Doolo ayaa waxaa ka qabsoomay kulamo lagu xalinayay khilaaaf u dhexeeyay beelaha walaalaha ee wada dega aagaag, Kulamadaas oo uu hoggaaminayay hogaan ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada, Mudane Mahamed Muhumed Sugule, waxaana goob joog ahaa masuuliyiin heer deegaan, gobol iyo degmo isugu jira. Kulamada ayaa isugu jiray kuwo gaar-gaar ah iyo kuwo guud oo si toos ah loola yeeshay labada beelood.
Ujeeddada kulamadaas ayaa ahayd in xal waara lagaga gaaro khilaaf h**e uga jiray deegaanka Agagaarka Neef-ku-celiye ee degmada Lehel-Yucub. Intii ay socdeen wada-hadallada, labada beelood ayaa gaaray isfaham hordhac ah, iyadoo lagu balamay in arrimaha hadhay ee dhiigga ama magta lagu dhameeyo wada-xaajood dheeraad ah oo ka dhici doona degmada Wardheer.
Hogaan ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada, Mudane Mahamed Muhumed Sugule, ayaa labada beelood ku boorriyay inay mudnaanta siiyaan nabadda, isla markaana ay xoojiyaan walaaltinimada, wada-noolaanshaha iyo midnimada bulshada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabaddu tahay tiirka horumarka, loona baahan yahay in lagu bixiyo dadaal iyo dulqaad kasta.
Xafiiska Nabadgelyada DDS