21/01/2025
GUDOOMIYAHA DEGMADA QARSA DUULA
Mudane Aadan xasan aadan
XUSKA SANADGUURADA AAS-AASKA DDS.
Maalinta Khamiista oo ku beegan 23-da bisha Janaayo/Dharabley waxaay ku asteysan tahay Maalinta Aas-aaska deegaanka Soomalida oo ah maalintii aay shacabweynaha DDS heleen midnimo dhuleed, mid siyaasadeed iyo mid ismaamul intaba.
Waa maalintii dhidibada loo taagay deegaanka madax banaan siyaasad ahaan, bulsho ahaan iyo dhul ahaanba isla markaana leh Calan, Maamul iyo Xuduudo ugaar ah, luuqadooda isku maamulo waxna ku bartan isla markaana leh matalaad siyaasadeed dal iyo deegaanba.
Hadaba, taniyo markii la aasaasay deegaanku wuxuu soo maray marxalado kala duwan, haday noqoto dhinaca siyaasada, Bulshada, Nabadgalyada iyo horumarka Aasaasiga ah, taasi oo ay jihaynayeen hadba nidaamka Maamul ee dalka iyo deegaankuba kajira bulshaduna aay inta badan dhibane u aheyd.
Nidaamyadii dalkan iyo Deegaankan Soo maray qaarkood waxay bulshada deegaanku dhaxal siiyeen dhibaatooyin badan oo ay kamid ahaayen ku tumashada xuquuqda aadanaha, la dagaalanka jiritaanka bulsho gaar ahaan dhinaca Diinta, dhaqanka iyo guud ahaan astaamaha jiritaanka bulsho iyo deegaanba.
Ugu dambeyntii, Maanta oo markii labaad loo dabaal degayo sanadguuradii 33-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska deegaanka Soomalida ayaa waxay kusoo aadeysaa xili shacabka deegaanku xaqiijiyeen sugnaanshaha Amniga iyo Nabadgalyada deegaanka, horumarka, Soo celinta astaamihii jiritaanka bulsho, daboolka adeegbixin tayeysan iyo matalaad siyaasadeed oo cadeynaysa heerka qaangaadhnimada siyaasadeed ee deegaanka.
Guud ahaan Shacabka Deegaanka Soomaalida Dal iyo Dibadba Sanadguuro wacan!!!