16/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Bulshada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo iyo dabagal ku tagay Xafiiska Warfaafinta DDS, halkaas oo ay ku dhagaysteen warbixin ku saabsan waxqabadka 9-kii bilood ee u dambeeyay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in xafiisku horumar ka sameeyay ballaadhinta adeegyada warbaahinta, islamarkaana lagu guulaystay in deegaanka laga hirgeliyo xarumo ay leeyihiin qaar ka mid ah warbaahinta waaweyn ee dalka, taasoo kor u qaadday wacyigelinta bulshada iyo muuqaalka deegaanka.
Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay waxqabadka xafiiska, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay wacyigelinta doorashooyinka iyo sababaha qaar ka mid ah xafiisyadu si joogto ah ula wadaagi waayeen warbaahinta waxqabadkooda.
Masuuliyiinta xafiiska ayaa sheegay inay jirto in xafiisyadu warbaahinta isticmaalin balse ay kordhiyeen dadaallada lagu dhiirrigelinayo xafiisyada kale inay si joogto ah u soo bandhigaan waxqabadkooda, dhanka wacyigalinta bulshada ee dhinaca doorashadana ay ku jiheeyeen warbaahinta shaqo fiicana la qabtay.
Ugu dambayn, guddigu waxay bixiyeen talooyin lagu xoojinayo hawlaha Xafiiska Warfaafinta iyaga oo intaasi kadibna kormeeray dayactirka lagu samaynayo xafiiska warfaafinta oo shaqadiisu gabo'gabo marayso.