16/04/2026
Sagootin maanta si heer sare ah uga dhacday Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka,taas uu hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Mudane Maxamed Maxamed
Sagootintan waxaa loo sameeyay Eng. Muxyadiin Mo’alim, Agasinka waxda Macdanta, oo dhawaan loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Macdanta
Shaqaalaha iyo maamulka xafiiska oo isku duuban ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub, iyagoo sidoo kale Alle uga baryay inuu ku garab galo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, kana dhigo mid guul iyo horumar ku soo kordhiya hay’adda.
Waxay dhamaantood muujiyeen kalsooni iyo taageero buuxda, iyagoo u rajeeyay inuu si hufan oo daacadnimo leh u guto waajibaadka cusub ee loo magacaabay.
Ugu dambeyn, Wasiirka Xafiiska Mudane Maxamed Cali Maxamed ayaa kula dardaarmay Maareeyaha inuu shaqadiisa u guto si hufnaan, daacadnimo iyo masuuliyad ku dheehan tahay, isla markaana uu mudnaanta siiyo horumarinta shaqada iyo adeegga bulshada.