26/02/2026
Madaxweynaha DDS oo Booqday Xafiiska Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa booqasho shaqo ku tagay Xafiiska Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS, ka dib markii lagu sameeyay dib-u-dhis, ballaarin iyo qalabeyn casri ah.
Intii uu booqashada ku jiray, Wasiirka Xafiiska Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS, Mudane Omer Farouk Warfa, ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay qaab-dhismeedka xafiiska, waaxyaha uu ka kooban yahay, iyo sida loo dayactiray loona qalabeeyay dhammaan qeybaha uu xafiisku leeyahay.
Xafiiskan oo horay uga hawlgeli jiray goob kiro ah, ayaa hadda loo wareejiyay xarun rasmi ah oo istiraatiiji ah, taasoo si buuxda ugu habboon howlaha shaqo iyo adeegyada uu u hayo bulshada.
Dhismaha cusub ayaa lagu sameeyay dib-u-habayn iyo ballaarin ballaaran, waxaana lagu daray dabaq sare oo ka kooban hool weyn oo shirar ah, waaxyo shaqo oo dheeraad ah, iyo maqaaxi. Sidoo kale, dhismihii h**e ayaa lagu sameeyay qurxin iyo dayactir guud, iyadoo guud ahaan dib-u-habaynta iyo qalabaynta mashruucan ay ku baxday lacag dhan 70 milyan oo Birr.
Isbeddelkan cusub ayaa sare u qaadaya hufnaanta shaqada xafiiska, tayada adeegyada uu bixiyo, iyo jawiga shaqo ee shaqaalaha. Waxa uu sidoo kale xoojinayaa awoodda xafiiska ee ku aaddan qorsheynta, isku dubbaridka, iyo dardargelinta horumarinta dhaqaalaha DDS.