24/04/2026
Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Deegaanka, Mudane Dayib Axmed-Nuur, oo wareysi siiyay warbaahinta deegaanka, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda iyo jihada miisaaniyadda deegaanka.
Wasiirku wuxuu xusay in qaybta ugu badan ee miisaaniyadda deegaanka ay ku hadho heer deegaan, isla markaana loo adeegsado xafiisyada tooska u taabanaya nolosha bulshada iyo fulinta mashaariicaha waawayn ee kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu tilmaamay in tani ay muujinayso sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabayaal dhaqaale oo waara.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in miisaaniyadda hadda jirta ay ku dhowaad kala badh ku tiirsan tahay dakhliga gudaha ee deegaanka, taasoo uu ku tilmaamay guul ka dhalatay casriyeynta nidaamka dakhliga. Wuxuu intaas ku daray in dadaallada lagu horumarinayo uruurinta dakhliga ay sii socon doonaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay in sanadaha soo socda si gaar ah xoogga loo saari doono horumarinta kheyraadka macdanta, si loo kordhiyo dakhliga iyo fursadaha maalgashi ee deegaanka.
Marka laga hadlayo kobaca miisaaniyadda, wuxuu sheegay in ay door weyn ka ciyaareen kobaca guud ee dhaqaalaha dalka iyo koradhka maalgashiga, kuwaas oo si toos ah u saameeyay awoodda miisaaniyadeed ee deegaanka.
Ugu dambayn, wasiirku wuxuu xusay in aanay jirin bulsho ku horumarta miisaaniyad dowladeed oo keliya, balse ay muhiim tahay in bulshada lafteedu ka shaqeyso wax-soo-saarka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka deegaanka. Wuxuu ugu baaqay shacabka inay kordhiyaan wax-soo-saarka si loo gaaro horumar waara.