07/04/2026
Waxaa maanta la dhagax dhigay Shan mashruuc oo cusub kuwaas laga fulinayo Degmada Daror .
Gudiga mashaariicda Degmada Ayaa maanta dhagax dhigay Shan mashruuc oo laga fulinayo qabaleyada iyo Xarunta Degmada . Kuwaas oo ay ku baxayso miisaniyad dhan 12,800,0000 birr (Toban iyo laba milyan iyo Sideed boqol oo kun birr )
Mashaariicdan Ayaa laga fulinaya Miisaniyada Degmada sm 2018 Ti.
Waxaana kamid ah Mashaariicda laga Dhagax dhigay :
1. Dhismaha Xafiiska Maxkamada sharecada islamka.
2. Dhismaha Dayrka dugsiga hoose dhexe Rabaso (Bilal)
3. Dhismaha xarunta Tababarka beeralayda ee Abokor.
4. Dhismaha berkeda Biyaha ee santarka Karooska
5. Dhismaha guriga martida Ee inaguuxa.
Mashaariicdan oo utagnaa Xaaladii abaarta ee Degmada ka jirtay . Ayaa hadda Markii Roobku da,ay waxaa la go,aamiyay in dhismahooda bilaabo. Wakhti koobana lagu dhamaystiro.
Dhankooda shacabka Degmada Ayaa aad usoo dhaweyay mashariicdan horumarineed ee dawladu ay ka fulinayso Degmada .